Waa maxay Suugaani?

jawaabta su’aashan waxa ka taagnaa muran iyo dood mudo dheer, taas oo dhixtiil suugaan yahanada iyo qorayaasha. Qoraa waliba wixii madadaaliye ka ahaa qarigii uu noolaa, qarni walbaaana si u gooni ah ayii suugaanta u macneeyn jiray, inagoo ka duulayna macnaha uu qarnigeenu suugaanta u hayo waxa lagu qeexaa inay tahay: Farshaxanimo qoraal oo soo bandhigaysa nooc waaya-aragnimo oo sawir ama muuqaal ka bixinaysa nolosha markaa jirta, ama mid la soo dhaafay, waa qoraaga ama abwaanka soo ifbixintiisa ama mid la meeleeyey.
Haddii si kale loo yidhaahdona suugaantu waa: Dhigaalka ama kaydka xiisaha faneed ee bini aadamka, kaa soo wax ka sheegaya rajooyinkooda, dhibaatooyinkooda, horumrkooda, dib u dhacooda iyo dhamaan dhagaatiyada uu xadhigooda dareen ka garaacmo.
Akhriska suugaanta waxyaabaha laga dheefo
Waa marka hore’e waa ,adadaalo ama maaroorow nafta lagu qanciyo oo dareenkeena sabaalisa; waxaynu xal ugu hellaa dhibaatooyinka ina soo foodsaara oo alaga yaabo in dadkaa aynu halhaysyadooda kulanay suugaanta gaanta ay dhibtaa, sed weyn hore uga qaadeen. Waxay suugaantu ina illowsiisaa ma inaga jeedisaa mushkilado inagu furnaa, waxay suugaanta ama murtidu ina bartaa dad qalaad, dhulal iyo geyiyo kala duwan, dhaqamo iyo caadooyin iyo dad hore u noolaan jiray oo taariikhdoodu ina xiisa geliso. Haddaba xiisaha suugaaneed waa mid waqti isla bedela, oo wax dadka hore u jiri jiray aad u xiisayn jireen ayaan dadkan danbe dareenkooda soo jiidan karin xumaan iyo samo toonna.
Qaybaha suugaangta
Guud ahaan waaxa suugaanta loo kala qaybiyaa laba heer oo waaweyn
1. Maanso (tix) 2. Tiraab (tibaax). Tiraabtu waa afka ama hadalka caadiga ah ee qoraal oraaheed kaas oo ka xor ah miisaanka ama ridmada (RHYTHM) iyo cod boqorka (ALLITERATION) ay maansadu ku caan baxday, kaas oo u baahan qaafiyad iyo hab-dhac iyo hoorin ama hooris.
Tirabtu waxay leedahay hanaan iyo dhisme qoraal, dhismaha qoraalkuna wuxuu jaangooyaa oo habeeyaa kal hormarinta fekeradaha iyo aaraa’da dulucda qoraaladaas.
Maansada oo qeexo fara badan leh, waxa la isku raacsanyahay in ay leedahay tilmaamo suugaaneed oo kala duwan, fikrad sawirasho dareen kac, miisaan, cod dheer oo maansadeena soomaaliyeed ku caan baxday, waxaana dhegaystuhu ama akhristuhu maansada ku taaxaystaa ama dhadhansadaa, marka ay dareemayaashiisu u digtoonyihiin in ay hal abuurka dareenkiisa wax la qaybsadaan, dulucda fikrada tixdana la fahmaan. Haddii si kale oo layidhaahdo, waa marka akhristuhu fahmo ama dhuuxo dulucda fikrada udub dhexaadka u ah! Waana inu arkaa sawirka ama humaaga uu gabyaagu sawirtay – markuu tixdaas curinayey, waana in uu dareemaa qamandhacyada abwaanka waana in u fahmaa miisaanka iyo isu dheeli tirka meersiyada tixda.

Abdinasser

2 Comments »

  1. khadar said

    Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan kabogto (ardaaga) afgobaadsi

  2. cabdirahmaan said

    waxaan ubahanahay qisooyinka hisaha jaceelka kahadlaya oo koobana

RSS feed for comments on this post · TrackBack URI

Leave a Comment