Heeso qoraala

Salaad Darbi

Haldhaayey waxaa jira
geed hadhweynoo
hanti aad uleedoo
hoobaanta midhahaa
kuu haysoo gaajo
aanad kuna hagaagine
nin habari dhashay
hal ma seegi waayee
hawlahan bal ila fuli

Seynab Cige

Halyeeyow waxa jira
meel hoo u baahan
hadal kuma bogsootee
halkanuu aad ileedahay
waa hawlo kuguma maqan
waan u dhaga hagoogtee
hoos u dhaadhac waxaad taban
harag cawl ha saarine

Salad Darbi

Haldhaayey waxa jira
hilin looga baaqoon
ku hayaamin karinoo
awr hayinaan u waayine
hubsanayey roobkii
halkay qabatay heegadu
nin habari dhashay
hal ma seegi waayee
hawlahan bal ila fuli

Seynab Cige

Halyeeyow u jeedada
hiladiyo tilmaamtii
hilinkeedu wuxuu yahay
waa nin hal u lisiyo
habeenkii jacaylkuba
is hareera yaaliin
hoos u dhaadhac waxaad taban
harag cawl ha saarine

Ima ogide waxan ahay
Axdi kuma cayaaro
Ima ogide waxan ahay
Ilaahay usamiroo

Waxan uur habreed galey
Awliyo tilmaaniyo
Afagaale iyo dirir
Agnamaarku wacanyahey

Ifkana waxaan usoo baxay
Aroor samadu furantoo
Imaankiyo kalgacalkuna
Iskuna keen Amaaneen

Sida ayro geelbaan
Kuu olalayaayo
Sida Ubad aan dhalaybaan
Kugu uur fayooboo
Sida olol la shidaybaan
Il dheer kaa arkaayo
Sida ubax labeerey
Indhu kugu farxaano
Sida Aayad diinaan
Afka kugu hayaaye
Adiguna aqoonsoo
ili dhehoo
docdaada ogoow

Salaad Derbi
Ima ogide waxan ahay
In xun lama tusaanoo
Ima ogide waxan ahay
Samaa ruux loo uumoo

Waxan uur habreed galey
Afar iyo tobnaadiyo
Urur dayax la xero galey
Afku rooble iyo nabad

Aduunyada waxaan imi
Maalintii Islaamkoo
Lagu Iidey Xaramkoo
Ibliisku Uu xidh xidhanyey

Sida sheekh asluub laan
Kuu Amaanayaayoo
Sida uduga doogaan
Kuu iimaansadaayo
Sida oogadaydaan
kuu ilaaliyaayoo
Sidii nabi Ayuubaan
Adi kuu samraayoo
Sidii Abaa Hurayraan
Kuu Aaaminayaayoo
Adiga iyo Naftaydaan
Ifka ugu Jeclaayee
Adigu aqoonsoo
Ili dhehoo
Docdaada ogoow

8 Comments »

  1. Ahmed Abdilahi Geele said

    Aad ayaan ugu bogay heesahan, waana kuwo xiiso leh.

  2. Abdinasser Ahmed Adam said

    Saaxiib Ahmed Abdilahi Geele waa arin wanaagsan inay heesahani ku soo dhoweeyeen, dabcan kuwo ina taabanaya ayaan iyagana dhowaan inoo soo dhamayni, adi laftirkaagu miyaanay kula ahayn inaad ila inagu caawiso dookhaaga gaarka ah?

  3. muuse ibraaim mohomed said

    Cajiib!, aad ayey heesahani ii hiyi kiciyeen, maad nagu caawin kuwo kale, aad ayaan anigiyo asxaabtaydu u xiisaynaynaaye.

  4. walalo anigu waxaan ahay wiil da,a yar oo ku nool dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada laascaanood halkana waxaan anigu xiiseeya heesaha soomaaliga ah markas wixii heeso soomaaliya ah oo xul ah haya wey iisoodiri karanaa ciwaankayaga ah
    cabdiraxmaan217@hotmail.com

  5. [...] Heeso qoraala, 2008/06/13 at 6:14 [...]

  6. xamdi said

    sida aad dhalaan tahay

  7. fiinyo said

    waaaaaaaaaaaw waan ka helay heesah n talantaaliga u qoran waana ku mahadsanthii hadaad tihiin bahda gobaadsi

  8. mukhtaar said

    wad hootadaaaaaaaaa

RSS feed for comments on this post · TrackBack URI

Leave a Comment