Archive for May, 2008

Qamar [Beerdilaacshe iyo Magool]

Beerdilaacshe

Qormo roob helayoo
loo qaaniyeeyey
ay xareedu qarisaad
qamareey quruxdeeda leedee
qaadirkii ilaahey
qaayihiiyo sharaftii
qanjiidho koley tahey
kaama uu qadinine
markaan qamar ku eegaba
qamuunyaa ilagadee
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa

Magool

Qoraxdoo aroortii
qar la soo baxdoo
aan caadku qarinbaad
qumanow qabadeedii ledee
nabi yuusuf quruxdii
qaadirkeenu siiyaa
adna qeyb ka wadataayoo
qeyrkaa ku dhaaftee
hadaan qado anfaaciga
adaan kugu qaboobaa
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye

Beerdilaacshe

Labadaada qaariyo
dhexdu qabasho leedaa
geenya qeyl lahoo
loo qaadey heesaa
qotonkeeda leedee
dayax qanimadiisii
aan caadku qariniyo
cirku sagalku qeydiyo
qureyshtii haweenkaay
qadow geed ku yaaliyo
qawlihii magooleey
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa

Magool

Waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadiriyaa
qabri hoose mooyee
qumanow qarnigaba ma noolee
qadaf ku hadli mayee
amaanta aan kuu qirey
waa mid aad u qalantood
qaayo aad ka gaadhee
wax ilaahey kuu qorey
lagaa qaadi maayee
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye

Comments (1)

Hibooy Heedhe

Magool

Huqdaad i goysaa
la cidla laga hayaamee
hayinaan ku guuraan
heeryo saaro waayee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

meehanaabayee
oo haraadayee
waxaba haysanaade

hoodiyo ayaaniyo
hibuu rag isku dhaafee
habeen dhalad ninkii ahna
talo kama habawdee
hibooy hadimada adaa leh

hibooy kolka waan hinqadayo
hibooy hareeraha i qaadaye
waxaan haabta waayee

Magool

Hinqaryada i haysiyo
duryan baa hadal batee
waxaad haabanaysiyo
hanti kuguma lurayee
hadhka labada galiniyo
hooskaa wareegee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

Comments (2)

One day while chewing khat in a friend’s house, a girl came in carrying water and tea for me.

Dhuxul’s story
 
 

She was very shy but immediately I fell in love with her.

I asked her whether she had any objections to us getting to know each other, she said no and that her name was Deqa Dahir.

We used to meet every Friday evening for three hours. It gave me so much pleasure just to spend that time with her. I started to worry what would happen if I ever lost my Deqa – what would be my fate?

Terrible news

One and a half years later I received some terrible news – Deqa was betrothed to another man. My life immediately went into turmoil.

I decided to go to a Medicine man who told me I had to overcome many problems.

That convinced me that I had to ask Deqa’s family to let me marry their daughter instead. I bravely approached her mother and prepared myself for the inevitable bad news.

Deqa’ s mother was surprised, but she said it all depended on what Deqa wanted to do.

This approach to Deqa’s mother created a huge rift in her family. Deqa’s eldest brother, who had headed the family since their father died, was totally opposed to my proposition.

Eventually I asked him to meet with me. Though it was evident from his expressions that he was totally against me, he also said the choice was Deqa’s.

Deqa’s decision

He brought her into the room and in front of me asked her whether she wanted me. She could not reply – tears started running down her cheeks and she ran out of the room. I chased after her but she wouldn’t speak to me.

After that the more senior members of Deqa’s family intervened, and asked her to make a decision.

I couldn’t stand waiting for the news, so I went home. After a terrible few days of expecting her to reject me, eventually she chose me.

It was really the happiest moment in my life.

This morning I woke up next to Deqa.

Source: BBC World

Comments (3)

Somalia: sharing stories

A boy who runs away from home and is attacked by hyenas, a young woman describes the pain of female circumcision.

Read personal stories written by participants in the Somali Journalism Training project.

Launched by the BBC World Service Trust in 2003, the Somali Journalism Training project was designed to improve journalistic standards.

Between November 2003 and April 2006, BBC journalists shared their skills with TV, radio, print and web journalists from Hargeisa, Bosaso, Boroma, Merka, Mogadishu, Jowhar, Kismayo, Belet Weyne and Baidoa.

Participants learned about the ethics of journalism and how to chase a story. Their copy writing skills were honed, they received technical training and they wrote personal stories to develop their creativity.

Developing creativity

Storytelling traditions are deeply rooted in Somali culture.

Before Somalia formally adopted Latin script in the 1970s, Somalis passed on the majority of myths and legends orally. Somali poets and playwrights wrote these stories down in popular, entertaining and accessible forms.

The Somali Journalism Training project tapped into this creative tradition by asking participants to write stories about their formative experiences.

The results are breathtaking. They weave experience and emotion into hilarious, heart-wrenching stories of personal development and survival.

Source: BBC World

Leave a Comment

Onkod.. [Cabdi Tahliil]

Onkod roobku madaayo
aarna taaha madaayo
anna taa ma ilaawoo
jacayl ood rogan maayo
oon hilaac bi in maayo
ayro weerar madaayo
ninlihi aamusi maaayo
ergo geesi madiidoo
ilaah tiisu ma oosho
calaf la iska ma ooto
ubax dayr ma qarsoomo
godka lay iskuma aayo
ifka la isu tudhaayee
iilka la isma gar gargaroo
aboor la iskama baajee
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.

Asaagay usha toosan
iyo ooda hagaagsan
hayiinkii asabaadee
madigii afar deeqa
inantiina ilwaadsan
ee asluubi u dheer tahay
sidaan u asteysto
kuu eegana yaaye
hadaan aamin idhaahdo
waa aqoonta haweene
oo rag iiga danbeeyo
halka ay ka cawayso
uur ku taalada maada
arimidiisa jacaylka
anigu soo dhaxli maayo
nabsi hay iga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.

Sida oogta hilaaca
ileyskeeda cadceeda
amaantaada libaaxa
malaa waanad ogeyne
ayaan uurkiyo maanka
wadnahayga agtiisa
sida aayad ku taalaa
uumiyaha u tusaayee
haadii aanu ibleysku
iga kaa anbineynin
inaad ii tudhi weydo
eegi maayo koley
arin kuuma hambeynee
araartii haku deeqdo
sina hayga adkeysan
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhexyiiliyo
ha iloobin aqoontee

Leave a Comment

Ladan

Soo libin haleelkii
laba daran mid dooro
lahashadu imay baddin
lacoo fogaatee
lumayey miyaan
laa simi karaayaa
laabtaydaay hogaamise
ladi waayayeey
hurdada laacdanaka ah
xageebaad ladaney jirtaa

Libta inaan haleelnoo
laagaha biyaha sida
ku ladaabto aniguna
laxaw markaan dareemaba
waxaan libiqsi eegaa
laamana aan hayn bari
laabtaydaay hogaamise
ladi waayayeey
hurdada laacdanka ah
xageebaad ladaney jirtaa

Leave a Comment

Hubqaad

Hubqaad iyo qurux
yartii hanataay
haybad iyo sharaf
yartii looga hadhay
hubaal naftaydaay
tay u hilawdaay

Haykal iyo muuq
kaan u heelanow
haybad iyo maan
kii horseedow
naftan hugushaan
kay ku hiratow

Hablaha idilkood
tii aan ka helaay
haweenba dhamaan
tii aan la hayaay
hargeysa iyo hawd
taan ka haybshaan

Baxdawyadii herer
kaan ka helayoo
hanadoo idil
kii aan la hayow
tani iyo wadnuhu
kuu habayow

Hasaasaha guur
taan habsoobaay
hawaawir jacayl
taan hadraayaay
habeenada dheer
taan hilaabshaay

Hirka nololeed
kaan higsanayow
huqda caashaqa
kii igu huriyow
sida hoqol roob
kii u hirayow

Leave a Comment

Dhabta miyaan….

Dhiigiyo kalgacalkii
ee xidida dhamaystira
afka lagama dhawree
ma ogtahay dharaarahan
markan dhaban u seexdaba
inaan kugu dhadhabayoo
dhabteyda kaa dayoo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar

Walaw dheylo aad tahay
ee hadana dhaqankiyo
dhaqashada ku wacan tahay
dharaar aragti ma ogtahay
caashaqan wax dheereen
dhedo roob la moodo
dhalanteed inuu yahay
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Labadooda

Imika dhudhumiyooo
miyaan soo dhawaadaa
awalba igama dheereyn
dhabta miyaan ku saaraa
dhibtan kula nacayaa
bal hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhenged waan ka fududee

Kinsi X Adan

Dhugmadiisu ruuxey
ee u dhantahay
ayuun buu dhibayaa
xishoodkuye
ma ogtahay dhigeyow
dhamanaanka awgaa
dariiqyada suuqyada
dhar la’aan inaan maroo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar

Qoton dheer qoyaaniyo
ee dhex qotoma xareediyo
dhabi baxay la moodyeey
ma ogtahay dhaqsiinyuhu
hadii lacag dhalayaan
kaadsiiyuhu ma dhiciyee
dahab baan ka dhuran laa
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Labadooda

Imika dhudhumiyooo
miyaan soo dhawaadaa
awalba igama dheereyn
dhabta miyaan ku saaraa
dhibtan kula nacayaa
bal hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhenged waan ka fududee

 

Leave a Comment

Maxa ka dhigay Dunidaan qiso!!! [Qiso]

Maxa ka dhigay Dunidaan qiso, Qisadana maxay aniga isameysa waqtiga xun iyo waqtiga fiicanba midna iima hiiliyo , Habeenkaas waxan ka soo kacay guriga Farxiyo kaygana aan usoo socday waxan la kulmay tuugo, Tuugadaas waxa ay iga qateen Telefoonkii, hadii ay sooqa geystaan ku helayn lacag oo wax uu ugu yalo aysan jirin balse aniga wax badan ayuu itara, waxan ka wacdaa qoftaan jeclahay, waxa iga soo waca Cidayadii markii ay yimadaan magaalada, habeenkaas telephone kaygii meysan calfan aniganaga iimaysan dayn, waxana igu dabaysay markii ay madaxa igaga dhufteen Telefoonkii ayagoo i dhahaya maxad usoo qaadan weyday telefoon fiican, wajigaygana waxa qariyey dhiiga, kadib waa ay iga tageen halkaas waxa igu soo garay labo arin oo mucjiso ah mar waxa ay iga qateen telephone kii, waxan ka naxsana meesha aan kala xariiri doono qoftaan jeclahay iyo Cidayadii madaba aan heysan dhaqaale aan ku gato mid kale .Marna waxa ay ii geysteen dhaawac, Ma aan heysan dhaqaale aan ku aado Doctor, waxan imid gurigaan daganaa waxana toosiyey sxb kay ila daganaa markaas oo seexday fiidkii
 
 
sxb kay wuxu isoo qaaday dhuxul wuxuna iga saaray Madaxa laakiinse Habeenkaas waxaan la seexan wayey kaar aad usiyaado ah, saxib kay hassan mohamud habeenkaas wuu ila dhafray , waaga markii uu baryey Reerka aan ka daganeyn Qol single ah ayaa xalay oo dhan maqlayey Sharqanteena iyo markaas anigoo dhahaya war si xun ayeey ii dileen daqarka igu yaala waxa kasii daran dhibta ay ii geys teen oo ah jir dil, Maamo Xaawo waa hooyo aad iyo aad u naxariis badan waxa ay isiisay lacag 1000 ah waxana ay igu tiri lacagtaan qaado oo waxad ku aada dhaqtar isku soo dhufo cirbadda Teetanada, waxan aday isbitaal aan iga fageen aniga iyo sxb kay hassan oo igarab haya ayaan tagnay, markii uu igu dhuftay cirbada ina soo siiyey kaniiniyaal madaxana igaga xiray Faashad, oo aan kasoo baxay iridka una sii socono Guriga aan daganaa waxan la kulmay Farxiyo oo gadanaysa Adeeg, waa ay igu naxday waxayna ku noqotay lama filaan waayo Caaway waxa ay dhowraysaa in aan u tago, Run ahaanti kulankeedi waan ku farxay waayo mar hadii ay aragtay Dhibta isoo gadhay in ay ogaato in aan u imaan karin inta aan Buskoonayo, Farxiyo horay ayeey nosoo raacday waxan soo galnay Guriga aan daganaa ayadoo noogasheekaynaysa saxib kayna oga sheekaynaya dhibta aniga isoo gaadhay ayaan soo galnay guriga sxb kay wuxu la soo baxay Furaha Qolka, Qolkayaga Albaabkisa waxan ku Qoranay Well come to Royalt House, waxa ay ku mushquushay Guriga magaca ku qoran waxa ay soo gashay Gudaha, Qosol ayeey la dhacday waxa ay ku qososhay Magaca guriga ku qoran iyo Guriga qaabkiisa
 
Guriga aan daganahay waa Single, waxana nooyala aniga iyo sxb kay hal Jooradari iyo Dirin aan ka dhiganay Mushamac, Xitaa nooma yaal Television, Farxiyo waxa ay igu tiri Gurigaan ma kaaga, sxb kay ayaa yiri haa kuso dhawow Royal house waxan ku iri waxad la yaabsan tahay guriga aan daganahay balse wax badan ayaa ku dhiban markaad wax ka ogaatid nolashayda, Farxiyo kuma aysan qancin guriga aan daganahay waayo guriga dhalinyarada anigoo kale ah waxa ay dagan yihiin guryo Qurux badan waxana uyaala Sariiro soo jiidasho leh mesha ay ii taalo aniga Jooradiga, waxana ay dhigtaan mushamac indha uroon,waana meesha aan aniga ka dhigtay Dirinta, waxa u yaala Television ay aqbaarta iyo Filimaanta kala socdaan,waana meesha aan ka soo gatay Raadiyaha sidaan ogola socda aqbaarta,Mesha aan filin ka dawan laheyna waxan sameynaa waan wada shekaysanaa ilaa xili danbe aniga iyo sxb kay Hassan
 
Farxiyo waxa ay waday Adeeg quracda waxayna igu tiri waan isku imaanaynaa brother wana ku soo booqanaya, hadda waan kasii tagayaa waxan ka xumahay qoftaan jeclahay masii dhaweyn karin, laakiinse sxb kay ayaan kusii daray isaga ayaa ilaa xaafadeedii sii geyey,
 
Farxiyo iyo aniga maanu kulmin ilaa Toban caasho, Anigana ma aan adin yadana waxan ka filayey in ay ii timaado maalin ba maalinta ka dibaysa waxan dhahayaa mantay ayeey ku imaanaysaa, waxa idilay isku xilsaarka xagaajinta guriga sidi madexdii ayaan usugayey, lakinse gabolku wuxu ii dhacaa ayadoo ii imaan,
 
 
Farxiyo waa gabar qurux badan, waana qof dheer, Midabkeedana waa qof Aad iyo aad u cad mana ahan Gabdhaha isticmaala daawooyinka jirka lugu qurxiyo balse waxa ay leedahay Natural Color, Natural stracture, Habeen habeenada ka mid ah waxa ay ka qeeb qaadatay Gabar ay isku xaafad yihiin Aroos keeda, Farxiyo waxa ay u dhalatay Qurux iyo soo jiidasho balse waxad moodaysaa habeenkaas in ay kaduwaneed intaas oo wax usii dheraayeen waad garan kartaa dumarka markii ay soo adayaan aroosyada, Farxiyo waxa ay meesha kula kulantay Wiil kayimid dibada oo ay isla jocdeen wiilka aroosaya Gabadha Farxiyo waxa ay is barteen habeenkaas Mohamed farax, waana habeenkaan aniga sugayey nasiib xumo balantii aan isla laheyn waxa ay kula kulantaa nin kaan cusub ee ka yimid dibada, Farxiyo iyo Mohamed Farax waxa ay go aan ku gaareen in ay is aroosaan, Toban casho kadib waxan aday Farxiyo gurigeeda Taariikhduna ay tahay 2002 bishii 11, wili madaxayga waxa ku xiran
 
faashadii, Guriga waxa iga furan Guled waa wiil ay isla dhasheen gulee soo dhawoow ayuu iyiri waxan meesha ku salamay habar yarteed iyo caruuro yar yar, waxana fariistay Fadhiga markaas waxa ay Reerku daawanayeen Television ka kenya oo layiraahdo KTN waxana ay ka daawanayeen Mudaraaad sababay markii ay Dowlada ay dudumisay Guryo badan oo lugu magacaabi jiray isku raran iyo meelaha ay dowladu leedahay oo sida sharci darada ah loo dhistay wadooyinka oo layska dhistay, waxan ka naxay masakiinta laga duminayo guryadooda iyo meelaha ay ku ganacsanayaan, warba ma aan hayo ileen waa habeen xitaa aniga nolashayda ay dun dumayso, si kadis ah waxa Qol kasoo baxay Farxiyo iyo Saxib keeda cusub oo qosol oga soo baxay qolka lakinse Guriga waxa ay kusoo sameyeen ma garanayne qosolkana ma aan fahansaneen balse markii aan arkay waxan dareemay in aan isku mid nahnay Masaakiinta Dowladu ay guryahooda dumisay iyo anigaba
 
Farxiyo waxa ay igu tiri iska waran Hanadow waxana iri waan ladanahay kadib way idhaftay, oo wiilka lasocda markaas aan isalaamin ayaa iridka kawada baxay, cabaar ayeey tagnayeen Banaanka anigana waan iska kacay Reerkiina waan macsalameyey, Farxiyo iyo wiilkii oo qoslaya ayaan hadana kusii maray meesha waxa ay igu sii tiri Hanadow ma tagtay walaal waxana iri ahaa haye soo dhawow guriga gurigaagi weeye waxan iri nabaday waan sii cararayaa, waa habeenkii nolashayda aan kuleel laseexan wayey, Niyadayda ayaan waxan iska dhaadhiciyey Ragga Dibadaha ka yimaada maxay naaga nala jooga nugu cariiriyaan may guursadaan kuwa dibadda lajooga waayo kuwaan anaga ayaa xaq uleh, lakinse naftayda habeenkas si kasta wax ayaan oga dhaadhiciyey balse waa ay samri wayday
 
Nolashii Farxiyo iyo aniga waxa sadexyeeyey Masiibo doolar iyo dibad ka yimid, balse nolasha kama aan rajo gabin,,waxan iska dhaadhiciyey ilaa aad dibad ka tagayso Gabar Afrika joogta ha shukaansan waayo nin dibad ka yimid ayaa leh, marna waxan iska dhaadhiciyey waxa laysku jecel yahay lacag ee lacag tabac marna waxan iska dhaadhiciyey Nin ayaad tahaye qoftaas soo xero gasho wax kasta ha kugu qaadate,Run ahaantii Farxiyo iyo aniga waxa na dhex maray Qiso bal qisadan waxan oga bogon doona qeebta sadexaad hadii alle idmo 
 
Ku Caashaqaye maxan ku calfan wayey ( Qaybtii sadexaad )

Nolasheyda sadex meelod labo waxan ku soo qaatay Baadiye, waxan ku nolaa nolol
sabool nimo ah lakinse waxad moodeysay in aan ku qanacsana waayo waxan ku jiray
xaydaam aan laheyn hormar iyo fakar, lakinse nolashayda meel waxan ku jirey aduun
dhalaalaya Qisana xabaarsan oo u baahan in lagaaro luguna gaaro laba arin mid waa
hanti midna waa wax barasho iyo hormar, dhanka hantida waxa iga saarna block adag
waayo Familiga aan ka dhashay waxa ay ubadan yihiin baadiyaha, taasna waxa ay
keentay caqabad weyn, dhanka wax barashada waxan hantay in aan dadaal ku gaaro kuwa
inbadan wax barasho ku jiray, lakinse wax barashadaydii waxa la soo gudbonaatay
niyad jab aad u siyaado ah mid waa qoftaan jeclaa oo igaga dhaqaaqday wadada mar waa
sabool nimo, markii aan ado schoolka waxan aqrista journalada kasoo baxa wadanka
kenya oo ay ku qoran yihiin college ama
school tayo badan leh lakinse cuuryaan waxa igu noqday dhanka dhaqaalaha,

Wax barashadii waxan la wadi waayey jaceylka aan u qabo farxiyo ahmed, waxan isku
arkey dhibaatoyin badan oo aan ka fiicna markii loo fiirsho sanadihii hore fakar ad
iyo aad usiyaado ah ayaa lasoo daristay noshaydii, xitaa marar ka qaarkood waxan ku
fakaraa anigo wadada maraya, ciqaabta jaceyl oo iheysata waxa ay keentay in galab
aado Farxiyo, farxiyo galabtaas ad iyo aad ayeey uqurux badneed waxa ay laheyd
structure ka duwan kii hore waxan soo xasuusta galabtii aan bartay farxiyo lakinse
shacuur ka gadisan kii hore ayaa labadeena nasoo dhex galay, farxiyo waxa ay rabtay
in aan oga waramo xaalada guud balse anigana waxan rabay in aan farxiyo aan kala
hadlo arintayda dhibta iyo rafaadka aan ku qabo, salaan kadib waxan bilabay in aan
farxiyo jaceyl kayga in uu yahay mid run ah balse ay ila fahanto xiliga iyo samadka
lugu jiro waxana iri,

Farxiyo run ahanti waxad tahay gabdhana mid aan ka caashaqay, caashaqan ku caashaqay
mahan waan ka helay oo kaliya balse waa mid lilaahi ah waana mid aan kaa doonayey
mustaqbal, run ahaanti in aan ahey nin iska danyar ah waan ogahay balse waxan ahay
wiil dhalinyaro ah oo dadaalaya ogna in uu rabi yahay kan wax baxsha jaceyl kaan ku
qabo waa mid aan ka gool gaari karo ujeedooyinka aan rabay oo dhan, balse waxan ka
raba in aad noqotid mid igu tageerta jaceyl ka aan ku qabo ina dhiira galisa, si aan
nolasha ugu sameyo isbadal dhab ah, intaan hadalka sii watay waxa iga dafay hadalkii
Farxiyo Hanadow mantay oo dhan waad hadlaysay balse run ahaantii isma caashaqi karno
waayo aniga waxan ahay gabar waxana rabaa qof xoolo leh si aan u helo mustaqbal aan
fakar laheyn, hadda ma qolkaan ogaa ayaan kula seexda mise nolasha aad ku jirtid
miyaan kula qeebsada waa maya hadda dhagahaga fur aniga iyo adiga wixi walaal tinimo
ah yes hadii aad doonaysid guur iyo wax aan dooneen aniga diyaar uma aan ihi
baabkaasna iga xir hadii aad walaal tinimo aan isku xariirinayno waa ok hadii aad
diididna you can go

Intaan lataagna oo aan siin wax jawaab ah waxa yimid wiil kii ma aan jecli in aan
magaciisa had iyo jeer ku dhawaaqo waayo waa nin arqalad igu noqday, waana nin
masiibo ku ah Jaceyl kay, wuu nasalamay wuxuna isoo tagay Gacantiisa ma aan jecleen
in aan gacantiisa taabto balse waxan diidana in aan iska dhigo daciif haddana wuxu
salamey Farxiyo lakinse salaantu salamey farxiyo waan ka maseeray waayo Farxiyo
dhoorkii cisho aan shukaansanayey waligeed ima salemin balse wiil kaan weysalaantay
waayo waxa looga xilanayaa dhoor arimod Mar waa nin kayimid wadan Gabdhaha Afrika ay
tixgaliyaan Marna waa nin iga Daqli Roon salaan kadib wuxu siiyey Bac qurux badan oo
kor ka ay oga sawiran tahay Nakumatt Supermarket oo ah Supermarket ka igu qaalisan
wadanka kenya waxana ku jirey Shoobino kala duwan lakinse waxan dareemey Nin xoolo
leh in uu ka power sareeyo balse aan ilaah uwada simanahnay, Waxan ku iri Farxiyo
waa meeqo saac waxa ay igu tiri waa Kow iyo toban kii iyo Bad 5:30 Galab nimo waxan
iri Qoraxdadana fiiri waxa ay igu tiri Godka ayeey siigalaysa, waad saxan tahay
marna waad qaldan tahay marwaad saxan tahay oo waqtiga waad isheegtay iyo in ay
qoraxdu dhaceyso balse waxad ku qaldan tahay qof ku jecel oo lilaahi ku ah kuna raba
in aad ku nacday xoolo la aan balse waqtiga ayaa cajaa ib ah, maantay mahane maalin
kale ayaan is wareysanayna waqtiga xasuusnow. kadib waan iska dhaqaaqay waxan ay iga
sii daba dhaheysay war maantay ayaan ku rabin birina kuma rabaro jaceyl kaad
sheegeysid jeebka gasho, nin kii masiibada ahaana wuu iska aamusay

Maalintaas waxa Raadsaday Shaqo si aan galina u shaqeeyo galina aan wax ubarto,
waxan Shaqo ka helay Maqaaxida weyn ee Masha allah, Shaqadaan waan ku Faraxsana
waayo lacagta aan ka helayo Maqaaxida waxan rabaa in aan ku aado School fiican si
aan wax barashada meel wacan oga gaaro, Shaqadii maqaxida aan ka helay waxan ka
noqday Kabayeeri Qaasatana Dhanka Haweenka, Galinka hore waxan ka shaqeeya Maqaxida
galinka dabana waxan ada College lugu barto Computer ka isla markaana waxan sameyey
Dadaal dhanka waxbarashada, Subax subaxyada ka mid ah waxa igu yimid Maqaaxida Gabar
Markaas indho shareer xiren iyo Nin kii masiibada ahaa ee Farxiyo iga dhacay Mahamed
Faarax, gabadhaas iskama aysan furin indho shareerka balse markii aan arkay mohamed
faarax waxan usafirtay in ay tahay Farxiyo waxa ay iga dalbadeen Qoraac beer ah waad
garan karta in xogaa lasugayo inta la jar jarayo iyo inta la sheelayo beerka balse
Farxiyo waxa ay lasoo baxday Dabeecad adag oo qalafsan maad quracda nokeentid maad
shaqeysatid shaah nokeen sokor malahan, cabitaan maxa yala waxan ku iri waxa Yaala
Liin, Cabbe, Saytuun, Afakaadho, Mushakal balse wax ay iska dhigtay in aysan maqleen
kuceli ayeey itiri hadana waan ugu ceshay marsadexaad ayeey itiri ku celi hadana
waan ugu celiyey anigoo ilaalsanaya Shaqadeyda kadibna waxa ay igu tiri iska dhaaf
waayo Cabditaanka aad isheegeysid ma aan fahmin marka quraxda nokeen, Ninka lasocda
wuxu ku qoslayaa ama uu ugaran wayey naa wiilka sidaas maxad ugu galaysa waxa uu ku
faraxsanyahay Jabka markii aan quracda u keenay hadana waxa ay ugu bilowday sifiican
loomashiilin iyo cel balse waxan ku iri waad edab daran tahay hadii aad cuni karin
iskaga bax meesha aniga waan ka xeshooday balse isticmaar kuma aan ihi

Qaylo kadib waxan isku maan dhaafnay Mulkiilihii Maqaaxida oo qayladeena soo raacay
balse waxan ku iri waqtiga ay timid ilaa hadda waxa ay igu heysaa wax aan garan
wayey kana xun iyo kanaa sidaas ah waana fahmi wayey qoftaan xinif hore ayaa naga
dhaxaysa balse aniga wanaag ayaan uqaba wili balse ayadu way garan wayday waxan ugu
adeegayey si ka duwan dad ka waayo waxa ay iga mudan tahay qadarin balse ayada waxa
ay ugula dhaqantay si qof yuxush nimo ah waxa igu qayliyey oo iyiri shaqayso ama
meesha iskaga tag nin kii Maqaxida lahaa balse waxa ila soo gudbonaatay Dantaada
Maqaar Ey baa loogo seexda aniga waxaan qaatay Amarka Boss kayga balse Mohamed
Faarax ayaa hadlay oo yiri Gardarada Gabadhaa ayaa leh oo wiilka sifiican ugula
dhaqmin marka wiilku malahan qaladka isaga, Maalintaas ka hor Mohamed Farax waxan
ogaaday in uu yahay nin ka duwan qoftaan waayo qoftaan waxan oga baahna hiil,
hiilkaasna waa jaceyl Mohamed Faaraxna wuxu isameyey Hiil hiilkaasna waxan ku sugna
in aan shaqada layga cayrsho waayo Mulkiilihii wuxu iga Fahmay si kale oo dhibta ay
ii geysatay waxa ay sameynaysaa shaqadayda, Farxiyo maalintaas wixi kadabeyey waxan
ka jaray niyadayda Farxiyo iyo aniga waxa nasoo mareyey Qiso xabaarsan Xigmad balse
kuma aan dayan lasoco sheekada qeebteeda afraad

Akhristayaasha Qiima iyo qadarinta mudan waxan ka cudur daranayaa wixi dhanka
qormada ah, talo iyo tusaale waad isoo weydiin kartaan adinko isticmaalaya Email
kayga aan hoos ku qoran mudnaanta waxan siiya aqristayashayda shanta qaradood kala
jooga sidoo kale website yada aad kala socotaana waa kuwa ila garabtagan had iyo
jeeer in ay soo bandhigaan dhamaantiin waad mahadsantihiin

Xigasho: mareeg.com

Leave a Comment

Gacalo [Hees]

Caashaqa ha guul guulin
Ha udiidin gogoshiisa
Gacalooy wanaageena
Ha ku dumin garaadkaaga

Garashada ha waydeeynin
Ha u guuxin nacabkaaga
Gurbood ka iyo dhalaankeena
Ha baneeynin garabkooda

Gudintaad afeeyneeyso
Ha ku gooynin midigtaada
Gibilsha iyo awrkeeda
Laba gees ha kala geeynin

Hadalka iyo go?aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo

Gocashada ha baadh baadhin
Ha ufiirsan godobteeda
Guurka iyo sharaftiisa
Ha gar-geeyn jaceeylkeena

Imtixaanka gurigeena
Guddi odayo loo saarey
Hadii la isku wada geeyo
Boqol iyo lagbay gaadhey

Rag ninkaaney gabadhiisu
Gol daloolo ka ilaalin
Qayrkiisa garab jooga
Waligii ma gaadhaayo

Hadalka iyo go?aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo

Dhirta lama garaacaanka
Gunta xididka ha u saarin
Geed midhaha laga goosto
Geestiisa lama gooyo

Guryo samo adoo yaala
Abaar reer lama geeyo
Adoon sahan ku guureeynin
Geediga ha heenseeynin

Gafka ruux intuu geeysto
Garawshiiyo laga waayay
Halka kibirku gaadhsiiyo
Gumartida ha loo joogo

Hadalkii iyo go?aankii
Taladii iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo.

Leave a Comment

Jawaabtii Cali-maax ee uu u diray Cawral Bare [Qiso jacayl taxane ah]

Cawralaay johorad baad ahayd, jamatay laabtaydu,
Waxaad ahayd jannadaan raboo, jawda uu lahaaye,
Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne,

Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay,
Daartii aakhiro la hub iyo, degelki mow fooftay,
Oo ma dardaarankii aad tiraa, dacar I leefsiiyey,

Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare,
Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye,
Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane,

Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way dam qanayaane,
Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya,
Ogoobey aniga dulmiyoo, dilay xabiibta ye,

Ogoobey anigaa deldeloo, dembi I haystaaye,
Ogoobey deyn baan qabaa, la iga deynayne,
Oo waxa deyradaas dhigayba, waa dib u dhacaygiiye,

Cawralaay ninkaan deelk a, iyo daalka kala soocin,
In kastuu dircoon yahay, haddana doqennimow dhoowe,
Ogoobey aqoondarridu,waa dulliyo leeleele,

Waa darxumo iyo hoog ninkey, dacalka saartaa ye,
Waa danqaaro waaweyn, haddaan laga dig toonaanin,
Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye,

War qaaddii daboollayd, markii daaha laga qaaday,
Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayee1ka,
Ogoobey dul iyo layga tuur, déliya dhaadheere,

Daraawiishta heegani, markay ban duleeydaysey,
Hadaan dayr la ii dhigin, ama dab in la ii qoolin,
Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene,

In kastaan dagaal iyo ku jirey, duullan iyo weerar,
In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney,
Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye,

Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne,
Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade,
U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey,

Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey,
Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey,
Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey,

Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey,
Wixii aan atoor dilanayoo, dab in u tuuryeeyey,
Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay,

Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey,
Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey,
Dabaxiir shabeel ahi wuxuu, igu dul meeraayey,
Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye,

Ogoobey haddii dirriku dhaco, dayaxu gaadow ye,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye,
Ogoobey waxaan kaa danbayn, laba diraacoode,

Afartaasi waa iga dub nixid, dharigu hayn waayey,
Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiqay,
Afar kalena waa iga duce, balaan daliileego,

Darriqii siraad oo ahaa, daliig sinsaanteeda,
Oo dabreeya wixii daalinoo, deli ka tuuryeeya,
Durduro laguu man, aadaan dab u cabsoonaynin,

Dacwadii lagaa dhaaf, catiid dareen wax weydiiyo,
Raqiibna ku da’yey oo ku daa, dun markuu waayo,
Dembi ma lihide Eebbahay, derejo kuu yeelyey,

Waanigaa dal dheer uga imi inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii iyo dooddii aan qora ye,
Waataas deddootaye dadyahow ducada aammiin dheh,

Durdurkii firdowsiyo u hoyo, togaag durduuraaya,
Ku dabbaalo web igii jannada, damal haraynaysan,
Ku diihaal bax mira diir la’ood, debinta leefaysid,

Ilaahay duggaal iyo ku sii, malab durduuraaya,
Kaa hiraabi deeqdiisu waa, daraarta xoolaade,
Waxaad doontid oo idil ilaah dacalka ku saarye,

Waanigaa dal dheer uga imi, inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,
Waatas deddootaye dad yahow, ducada aammiin dhehe,

Rasuulkii ilaah deris la noqo, deneg allow yeelye.
Diyaafadaha kuu dhige malaa’ig, daacad ah oo joogta,
Waxaad dunida weydey oo idil, daleel lagaa siiye,

Waanigaa dal dheen uga imi, inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,
Waataas deddotaye dad yahow, ducada aammiin dheh,

Dar alluu ka yimid mow tika helay, dahabadaydiiye,
Arla durugsan baan jirey markay, derin ku qaadeene,
Haddaanse ku daakinay halkay, keli ku duugnayde,

Qabriyahow daboolani adaan, cidi ku deynayne,
Adigay dummaddaada tahay, dayax la mooddiiye,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,

Ogoobey waa sidaad u sheegtaye, anna aan u sheegaye,
waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deynayne,
Oo ogoobey waxaan kaa dambayn laba diraacoode.

Comments (1)

Cawrala bare iyo Calimaax [Qiso Jacayl]

Gacaliye Calimaax,

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidanne’e, mar ila soo joogso.

Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiha jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro tanoo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,
Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.

Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale’e,
Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,
Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,
Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay haddi runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedi ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojee kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.

Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,
Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,
Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye,

Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, mangaloot uduggiisa lahaa yow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waago beryaaya wajiigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo mnidadbka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, inaadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoray yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuude adiguna aad muutsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.

Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,
Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,
Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go,
Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye.

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

Ogoobey haddaan dayaxu jiriti, dirir ma nuureene,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,
Ogoobey haadday diiddo, waan degel baxaayaaye,
Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,
War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,
Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.

Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggaan

Magaalada Xiis Xarrago

 


Comments (10)

THE YOUTH OF CAWRALA AND CALIMAAX

If one comes to the truth then as it were then I am Cawrala

Barre, the person I am speaking about is someone whose eyes

and heart have followed you since she first saw you. Without a

doubt she belongs to you, body and soul, even though you do

not know it. Day and night, in her sleep and when awake, she

dreams of you. Her love and affection for you have entered

her bowels and flesh. It is because of this that she can take no

sustenance.

Cawrala Barre was born around 1893 in the town of Xiis which

is in the Savaag region of Somalia, of the shores of the Gulf of

Aden. As a young girl she stayed in the town during the dry

season of the year and most of her days were spent in the

interior of the country where her father tended his modest

herds.

Xiis lies at the foot of the Cal Mountains, which are part of the

Golis range. These mountains extend as far as Karin Bosasa

and Boorane and if one moves inland, the stony plateau they

reach Harranx, while towards the east, they stretch towards

Baargaal, those on the eastern side of Karin they are called the

Cal Maskaad. Surad Mountains, standing above Xiis, is 28,000

meters. It is famous for frankincense, gum, the sap of the

euphorbia tree, mastic and other products derived from other

aromatic plants

Remains of past ages, objects which people used to gather,

monuments and mounds so large, one could confuse them for

houses. Places where treasures were hidden, bewildering and

at the same time beguiling. Caves with amazing carved walls.

Wandering round Daalo one cannot help moving as if in a

trance. In this magical place rain falls in the morning even in

the dry season. All sorts of glorious birds, some picking berries

and others offer entertainment in form of their singing and

playful antics. The clamor of frogs and the sky lark calling out

from far away……real magic!

It was in this region where Cawrala was brought up. Nothing

about her could be scorned. Her complexion was dark brown

with a shading of red. Her stature was medium with a slim waist

and a mane of soft brown shoulder length hair, clear eyes with

their black pupils were resplendent with a radiance defying

description. Her eyebrows met above her long bridged nose.

as she lay on the deck some three paces

from the male passengers.

The ship rolled and as she moved into

the open sea, the roll increased. At about

seven

O’clock, as the evening meal was being

served by the ship’s boys, Calimaax

started a bantering conversation with

Nuurcise..

He said, ‘You seem to be greatly

troubled. What was it that made you

undertake a journey on this evil sea?

Why did you not stay with your family

at Guudmare and milk your she-camel

Saaqa and the rest of them. In your place

I would not have set out on this jinn

ridden sea just to clutch at the ship’s

sides and make those puking noises

aah!aah!Still I am not really surprised

that you are here, for it was hunger and

lack of clothes that drove you on to

these wastes for sure! What did you get

in Aden as guest food? How many bags

of provisions and how many complete

sets of clothing are you taking back to

the family? You must surely have been

on a visit to a relative-perhaps the son of

your maternal cousin?’

Calimaax’s words distracted Nuurcise

from his sufferings.

Cali,’ he replied, ‘do you not realize that

you are a weak townsman? How can you

have anything to tell a man from the

interior like myself? Do you have even

as much strength as there is in the finger

of a young one boy old just old enough

to carry a weapon? Who could, by God,

ask you to help them go on a trek or take

the animals to get water in the harsh dry

season? Let people find out if you are

worthy of their praise. If you insult

country people and say they are simple

and lack good clothes then let me tell

you that everything you get in the town

comes from the country.. Have you not

ever heard of this poem that the Sayyid

wrote?’

The provisions and clothes that which

keep people busy in towns’

Bustling and trading, are merely the

lifeless wealth brought in from outside

If the town is cut off from the interior,

the angel of death soon comes on his

errands

The captain of the ship joined in and

supported Nurciise. He told Cali to leave

Knur alone and stop talking about the

interior. He said, “you cannot match the

eloquence of Nuur as he will drown you

in proverbs, poems and sayings.’

Another man, Magar, broke in and said,

‘You captain, and Nuur are as different

as day and night. Why are you taking

his side while you know that the

townsman goes to school, studies the

Koran and learns about the faith? He can

see the difference between what is

forbidden and that which is lawful. He

stays close the the one who lives next to

him as a friend. You people of the interior

are driven by looking after camels. They

are not even able to differentiate

between that which is lawful property

and unlawful property, What is more,

they molest girls! and don’t they dress

in skins when their clothes wear out?’

The women were so near to where the

men were sitting that they could hear

everything they were saying. They

listened very attentively.

From time to time, in the moonlight, the

eyes of Cawrala and Calimaax met.

Cawrala was moved by some sense of

decorum to lower her eyes while

adjusting her silk head scarf with her

right hand so that it covered most of her

face, then caught the end of it with her

teeth.

Calimaax took up the conversation again.

‘ It seems that, Nuur , the captain and all

the people of the interior think that a

townsman has not the slightest idea of

the old wisdom or that of poetry , that he

could never do justice to the Somali

spoken by the people of the interior.

Well then, let us confront each other

here and now! Listen to this poem I have

composed’…..

‘In truth the shaggy man of the interior

has no knowledge of any other place.

He forgets everything else when the fire

is lit in the morning

Stupidly, he does not even care if his

piece of flesh shows from under his loin

cloth

When God sends a downpour of rain

and the world becomes prosperous,

The milking vessel filled to the brim

with goat milk

, this is followed by a pound of town

food acquired by quest,

and then he and his wife and himself

have such an opinion of themselves,

they might be a government!

There is no scolding, no beating with a

herder’s forked staff

They don’t fight each other

And at such a time if you have any

business to talk to them, you better

think again!’

when Cawrala laughed it was never more

than a smile. She bared just a little

glimpse of her pearl white teeth, so that

at the sides, one could take a glance of

her pointed eye-teeth. To all this must be

added the well rounded calves of her

legs. She was not a person who could be

disregarded as she walked, swinging her

supple arms, her throat marked by

encircling lines of beauty; there were

four of them. One could say that her

beauty had never been seen or heard of

before. She never wore her clothes in a

slipshod way for she used to secure

them in an orderly manner and took pride

in this. She lived in Aden for five years

where she studied the Koran and learned

Arabic. She achieved high standards in

both.

She had a brother called Dalmar and

two sisters, one who was younger than

her. Her parents live partly in Xiis and in

the hills above the town. Her father,

Barre was always boasting about his

Cawrala’s obedience although she could

be very strong willed at times.

Calimaax lived some hundred and fifty

kilometers from Xiis with his brother and

two sisters .their place also lay on the

foot of the cal Madou mountains. Surad

and Daalo are within the same range and

thus their beauty was similar. The

mountains above the Laasgoras branch

off into ranges of different levels. In this

mountainous region Calimaax was

brought up with other youths. He moved

from place to place looking after horses

in other grazing camps , and in this way

he was trained in companionship and

ease in conversation and acquired some

understanding of his manly roles. Later,

as a grown man he took to a sea-faring

life and eventually when he had gained

knowledge, he became highly skilled in

the navigation and handling of ships

THE SAILING VOYAGE AND THE

MEETINGOFCAWRALAAND

CALIMAAX

It is clear that Cawrala and Calimaax were

brought up in the same land. Fate had it

that they were traveling on the same

boat out of Aden. Calimaax ha been there

on a spying mission and Cawrala was

escaping the hot xagcea season. The

ship called Subxaan “God’s glory’left

port on the 25

th

of March 1915. She had

15 passengers on board; 12 men and 3

women, a crew of 20. As was the custom,

bedding mats were spread out for the

women inside the ship’s dinghy which

 

Page 3

HAC Kanebu June-Sept 2006

page 3

Since no one had expected Calimaax to

compose such a good poem on a subject

about the people of the interior in such a

short time, the men all clapped and the

women pierced the air with ululations so

loud that the sound reached the others

on board. It had been arranged that tea

be served by the ship’s boys.Cardamom,

cinnamon and other spices were added

to it to enhance the flavour. They

celebrated Calimaax’s excellent poem and

support for his side in the argument.

Cawrala could not contain herself and

excitedly told the other women to keep

quiet and let her speak. “How eloquent

this man is! How clever! Composing all

that poetry at will! When I first set foot

on this ship I knew that he must be the

outstanding son of an outstanding man.

He is handsome, which makes his other

qualities even more valuable! I hate

people of the interior and anything to do

with them. My father is sending me to a

man in the interior, someone who owns

many camels. A widower, who was once

married to a sister of mine. He does not

know a thing about anything!’ She

declared and slyly added, ‘Not even how

to go to sleep! That poem this young

man has recited about scolding and

beating with a stick made me hate them

even more.’

A married woman called Saluugla asked

her if she was not worried about her

father cursing her if she refused to marry

the man. Cawrala answered that she

would seek the blessing of a sheikh who

lay buried at Magdur. His blessing was

more powerful than any other curse. ‘

Even if my father brought down the sky I

would never marry a man I do not love.

Someone whose behaviour and

manliness I am not sure about and do

not know. I shall never marry a man who

is too proud to call me by name, but

prefers to call me ‘the one who belongs

to the family; or the one who has bee

looking after my children.’

Saluugla then asked her, ‘What is love,

Cawrala?’

Leave a Comment

Bada Cas

 

Dhul biyuhu maraanoo
Xareeduna baliga taal
Wacan bay ku dhalatiyo
Dhul barwaaqo ah ood garan

Bidhaanteedaan waayoon
Baadi doon ku waashee

Bariga ay ku nooshaa
Shinbir buuba igu tidhi

Bararkeeda oon barkadiyo
Basharkeeda ayaan u bogaya
Bishan dhexdeeda oon helaan
Boqal aan soomaan balan ku qaadee
Bilaash laguma dhaartee.

Buurahan Jecleeystiyo
Bartii muuqa dheerayd
Badhtankeediyo
Baladwayney ku nooshee

Boqolka soo baxaayaay
Shan iyo Tobnaadeey
Baahida aan kuu qabo
Barniyeey
Bidhaan Aragaa ha iga tagin.

Labbad

Bootin Dheer Bureeqa oo
Baalasheedii Fidisoo
In ay buubto biloowdoo
Bilcin nadii ka boodaay
Barigii aan is baranaan
Wadnaha boog ku yeeshee
Beerkii bay damqadayoo
Boqoduhu kuu basaasee
Badda casbaan ku gaynayaa
Biyo Janaan kusiinayaa
Bogeeyga waan ku saarayaa
Badbaado ood aragtiyo
Barwaaqo oo aan gaadhnaan
Bilaahi kuugu marayaa.

Buuraha aan jecleeystiyo
Bartii muuqa dheereeyd
Badhtankeediyo
Baladweeyneey ku nooshee

Boqolka soo baxayaay
Shan iyo tobnaadeey
Baahida aan kuu qabo
Barniyeey
Bidhaan araga ha iga tagin

Leave a Comment

Welcome! Enjoy the beauty! we are welcoming your ideas, thought and could we forget what divides us and discover what united us.

Your’s Abdinasser

Leave a Comment