Gacaliye Calimaax,
Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidanne’e, mar ila soo joogso.
Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiha jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro tanoo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.
Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.
Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.
Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.
Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.
War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,
Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye
Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.
Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,
Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.
Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale’e,
Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,
Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,
Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.
Waxaan ahay haddi runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedi ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojee kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.
Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,
Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,
Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye,
Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, mangaloot uduggiisa lahaa yow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waago beryaaya wajiigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo mnidadbka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, inaadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoray yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuude adiguna aad muutsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.
Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,
Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,
Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go,
Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye.
Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.
Ogoobey haddaan dayaxu jiriti, dirir ma nuureene,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,
Ogoobey haadday diiddo, waan degel baxaayaaye,
Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,
War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,
Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.
Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggaan
Magaalada Xiis Xarrago

cawad cali maxamed said
marka hore sheekadu ma dhamaystirna,
sidaan sheekadan hore ugu maqlay calimaax waxa uu joogay badhan cawralana waxay joogtay xiis oo waxay reerka xiis daga
laakiin waxaa layaabaa sheekadan iyo filimaka dhowaan la matalay ee cali iyo cawrala maxaa ka dhexeeya sheekadu matanaa mise waa laba sheeko oo isu eeg
mustaf said
anigoo ah mustaf waxaa rabaa inaan qiso jacayl ah anigan iyo xsaaxiibtay
Qaare said
Sxb waad ku mahadsan tahay sheekadan aad bilawday ee cawrala iyo calimaax, fadlan noo sii wad waxaa jira dad badan oo sidayda xiisaynaya.
cawed cali— sxb labada sheeko waxba kama dhexeeyaan shaqona iskuma laha, waa copy tan dambe, hayeeshee meela kama saamayso qisadii dhabta ahayd ee la magac baxday Cawrala iyo calimaax, kuwan dambe ee filmka kenya kusoo dhigay waxay xadeen magacyada oo keliya.
ismahaan cali said
sxb waxan aad uga xumahay war la aanta iga haysay shkadan aad ka u xiisaa badan oo aanan ka ba war hayn sorry manta oo aan akhriyay aadbaan ula yaabay waad mahadsan tahay qoraaga sheekadan waxanan kaa codsanayaa ianaad noo sii wado kuo kale oo la xiiso ah .
ismahaan cali said
kadib inaan ka helay sheekadaasi aadka u xiisaha badnayd ee aan akhriyay waxaan saaxiibayaasha arimaha caashaqa faaleeya ka codsanayaa bal inaad igala la soo talisaan muur run ahaantii aad iigu culus waa qiso jacayl oo ka dheer dheel iyo xiiso waa mawjad caashaq oo aan la jiifi waayay waa duufaan kal gacal oohoganaysa laabtayda aanan awoodin inaan u sheegto wiilka ay naftaydu u oontay xataa ma muujinkaro astaamo la igu garan karo waxa i dabraya dhaqanka somalida oo aan ii saamaxayn inaan soo bandhigo arin jacayl waxan ka baqayaa wiilka aan jecelahay oo runtii walaal nimo naga dexayso hadii uu arintan mqlo iga goosto xidhiidhka guud ee aanhada naftayda kumaaweeliyo waxaan ka baqo qabaa inu iila qaadi waayo sida aan rabo ama uu iga cagajido waxaan ka walwalsanahay inuuba i diido ama isaguba cid kale jecel yahay .
sikastaba ha ahaatee ma awoodo inaan af ugu cadeeyo xaalkaygu waa ilaahayoow isaga ka dhawaaji
markaa saaxiibayal maxaan ameeyaa waliba wiilka isku magalo ma joogno xidhiidh ka yagu waa talefoon is dhaafsi maxaan yeelaa walaalayaal ila taliya idin koo arimaha dhan walba ke eegaya
cabdirisaaq cabdi ibraahim said
hadi aan gudagalo ku darsashada ra i ahaan abaayo waxaan kugu dar san la haa in kastoo uu jiro calaf waxaa laga yabaa inuu waqtiga mar un kuu hiiliyo aduun yada waa labadiisa galin jacaylkan halmar mawada kafiyo labo qof mid un buu ku soo hormaraa waxaan ku dhihi lahaa in aad badisid xiriirka inta aad ka helaysid arimahaaga iskuna daydid in aad kal hadshid hadalba hadlkuu jecel yahay anigana waxaan ilaah kaga baryayaa in uu ilaah kugu guulaysiyo jacaylkaaga jacaylka se waa shey qaali ah xiti isku day in aad raadisid wax kasta oo ad isleedahay alaylehe wwaad ugu shekayn kartaa jacaylkin hanoqdo midkii ku guulaysta
maxamed cabdi dhimbil said
walaal uguhorayn waad mahad san tahay kadib aniga oo kahadlaya arintaas waxaan ku dhihi lahay marka horesamirka badi halmar dadntaadoo dhan laguma gaaro kadib waxaad badidaah xariirka xariirkaas oo aykujirto soo jiidasho waayo sheekada badan waxa lagayabaah in aad ku gaarto dantaada ilahayna hakula garab galo ilahayna hakugu guuleeyo
A abdi said
Markey ay Doonta Saarnaayeen
Intay Doonta saaraayeen ayaa Cawrali dumar la fadhiyey uga sheekaysay jacayl waxayna ku dhexdaraysay Calimaax markay dhulka yimaadeen ayaa saaxibadeed iyo Cawrali sheekaysteen in mudda ah markay sheekaysanayeen ayaa saaxiibadeed dareentay in Cawrala jacayl hayo markaas ayey waydiisay Cawralaay ma jacaylkaad ka sheekaynaysay markaan doonidu ku jirnay ayaa ku haya…..
Cawrali waxay ku jawaabtay
Baxsanay habeennada indha baal ma saarinoo,
Duni baadi weeyoo bilisina illowshaha,
Wa u beer nugayloo ba’a iyo baraaraha,
Baraarahay xuseeyaan anse baal ka marayoo,
Biimahaad ogayd iyo cirkoo biriq hillaaciyo,
Bartii roobka duufaan biyihii shubmaayiyo,
Dakhalkii bacramay baan baayeey ku selelaa,
Bisin alla bir weeyaan sow bilow ma taabinoo,
Eebbe ima ballaysiin anoo baaxa degayoo
Bes ah oo hafanayoo bixi layd naftaydii,
Baaqaan hayeeey iri sow Cali-badmaaxoo,
Birrigii imuu gayn baari iima qabanoo,
Berrigii imuu gayn naftaan qaaddir bixinayn,
Ogow wey badbaaddaa
Waa baab jacayloo baarax uma ledaayoo
Baddaasaad arkaysoo buuraha la moodoo,
Badraankii libaax iyo hambabarada booddiyo,
Bahaluhu ka buuxaan way bila dayahoo
Buruudkii Badmaaxiyo nuur layga biliyaa,
Waa boog jacayloo bukaankii la yaab ma leh,
Beerkiyo wadnaha iyo bogguu hoy ku leeyahay,
Waa baab jacayloo Billaawihii afaystoo,
Bedenkayga degayoo igu beeray boholyow,
Waa baab jacayloo waxa ii bogsiina ah
Ama ii bushaara ah oo ii baraara ah,
Ama ii barwaaqa ah baanashada haweenoo,
Badmaax-aan hantaayoo berri aannu kulanoo,
Beryasamo ku waarraa!!.
Gabayaddii ay isu tiriyeen nimankii doonta saarnaa
Reer magaalku wuxuu yiri oo calimaax ah
Wallee daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin,
Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho,
Doqonnino waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye,
Haddii doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo,
Oo doobi caanaha riyaha, looga dalaf siiyo,
Oo rodol uu doondoon ku helay, uga danbaysiiyo,
Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye,
Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane,
Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hada1kaaga.
Reer miygiina wuxuu ku jwaabay Nuur ciise ahaa,
Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo,
Duuf lulaaye goortuu kaalluun, labada daan buuxsho,
Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo,
Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye
Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin ilaahiise,
Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte,
Dood iyo dagaaal baa nin raga, lagu daryeelaaye,
Deeqdana haddii loogu ladho derejo wee yaan,
Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.
Gabaygaan waxay Cawrala tirisay markii Aabaheed yiri waxaan ku siiyey nin Xoolo iyo maal badan leh……
Cawrala waxay tiri
Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya,
Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray,
Nim micnaha dumar yaqaan, yey maskaba dhaama,
Magalooti jaahila, oo haddana madax taagaaya,
Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinaaya,
Ninki biri magaydada yaqaan, yey maskabi dhaama,
Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe,
Oo mugdi ha been gudahayoo, marin habaabaaya,
Oo aan maraaciga haween, iyo muxibadood haynnin,
Oo aan milgiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin,
Oo sida Cali waa maahire, mayey u horaynin,
Inaan meel cidla ah weey tamaa, yey maskabi dhaanta,
Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne,
Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye,
Waa wixii makalay wiiladay, milaygii dayreede,
Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse,
Mar hadduu man facii hunguri, mee i oranaayo,
Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta,
Malabkiyo macaankiyo wixii, miid iyo maaheera,
Maantadaas haddi lay wacoo, la i mihiibsiiyo,
Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaante,
Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane,
Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye,
Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiishaynin,
Haygu mehenin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,
Hay gu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin
foodcade said
sxb qoraalka qisadan jacaylka ah aad ayaad ugu mahadsantahay wax badana waan akhriyey qisadan oo qoraa kale qoray oo dhamaystiran. Waxaanse jeclaa mar hadii aad bilowday inaad dhamaystirto adigoo fiiro gaar ahaaneed u yeelanaya inaad ka fo’aato waxkasta oo keeni kara skeeada oo micneheedii lumo. sida been abuur,dhan-uxaglin, skeekada oo aad badhkeed qariso. Waxaad ogaataa in sheekadan ay daabacday madbacadii qaranka somaaliyeed.
saaxiid waad ku mahadsan tahay dadaalka aad ku bixisay qorida sheekadan oo ka mida qisooyinka sida dhabta u dhacay, ayna ku faani karto soomaalidu.
maxamed said
ASC WW WASALAMNTIHIIN DHAMMAAN
baalle teddey said
kuligiin waxaa is ku hasataan waa qalay hortaa waa kee nin ka shekadaan alifaay?