| Adduunyada nin dhoofiyo Ninkii degan dhulkii hooyo Nin dhergiyo nin dhowr qaday Aan dheef hayn Dhedig iyo laboodba Hawli kama dhamaatee Qof walibaa wixii dhibay Dhafoorkay ku taalaa Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Anba kuguma dhaafeen Haday taadu dheelido eh Maxaa dhacay dhankaagay Ka jiiftaa dhaliishuye Ma dhiirado nimaan garab Wax lagula dhisaynine Nafta dhool hilaaciyo Dhibic baa u muuqdee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa Jacaylkeediii dhuuxiyo Lafaha wuu u dhaadhacaye Dhulkoo doog dhir iyo ubax Dhamaan hadheeyeen Dhawristeeda oo qudha Ayaan dhawr ku qadayaa Wali dhaban mid kula mida Kama dhalanin adduunkee Ana dhaawacaygii Jacayl dhidibka aastaan La dheeldheeliyaa From Heeso qoraala, 2008/06/13 at 6:14 PM |
|||
|
|
|||
|
CEEL BUUR KU YAALAY by codkii Salaad Mohammed Derbi |

c\kariin ibraahim cadde said
hesatn hees udhigaan to dhan keeyga wana sogabinayaa intaa muhiimka ah ayaan kasoqaban ? dhayalsadaay jaceelo intuu idhan iiriday madhaxgalaay wadnaha oo maladhuubtaay aawgaaaaa