Qiso Jacayl ah (by Yabaniyo)

 

waan isi saaray teelka waxan soo abaaray dhinacaa iyo magaalada
waxan lasii hadlayey niyadayda sida ay noqondoonto xaaladu
hadana waxan isku dajiyey inaan isku kalsoonaado waxan kusoo
beegmay yarkaan jeclaa oo fadhiya meherad ay isugu yimaadaan
dhalinta xaafada waxan mari waayey wadadii waayo waxanba waa
hore is siiyey yarka

dhinaca kale wiilka wuxuu aad iigu fiirinayey siduu igaranayo oo kale
waxan kabaqay inaan kufo xishood dartiis waxan soo gaaray saaxiibtay samsam xaafadoodii waxaana isdhaafsanay hadaladan

samsamey waan naxsanahay saaxiib waxan soo arkay yarkaan jeclaa waxan moodayba inuu igaranayo macaaney aad baan ujeclahay yarka teeda kale waxan kabaqayaa inuu igu dhaho iima
cubtanto yartaan saaxiibay kawaran
saaxiib nimcoy waxba haka cabsan inkastoo yuu yahay yar inta badan isla wayn oo aan xiiseen hablaha soomaaliyeed
saaxiibay wuxuu kahelaa hablaha hindidaa iyo carabta runtii wuu
kafaanaa hablaha soomaaliyeed marka waxad adeegsataa gabarnimadaada iyo jacaylka aad uqabto iyo aftahaniyo iska baar
hada waan uwacayaaye iyara sug saaxiib
runtii waxan farta ku hayey wadnaha waxan sii diyaar sanayey hadaladaan kula hadli lahaa waayo waxan ahayd markii iigu horeysay oon jeclaado wiil ama dareemo jacayl waxa soo garaacay
albaabka samsam iyo maxamed waxay fadhiisisay samsam yarkan
jeclaa maxa,ed waan fiirinwaayey wajigiisa mar qura ayuu igu yidhi

Faadumo xasan cali(yabaniyo)
puntland/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
lasoco Qaybta 4aad

2 Comments »

  1. samiira said

    maxaad sheekada u kala bartayna

  2. nesteexo said

    Walaal sheekada soo dhmeeya.

RSS feed for comments on this post · TrackBack URI

Leave a Comment