Author Archive

CIID MUBARAK! KULU CAAMU WA ANTUM BIKHAYR

Leave a Comment

Ciid Mubaarik! Ciid Mubaarik! Ciid Mubaarik!

 

Leave a Comment

Qaybtii afraad iyo qisadii jacaylka oo Yabaniyo inoo sii wado

 

maraan kusoo dhawaanay ayey intay soo istaagtay waxay nagu
boobtay salaan aad uxiisa badan kadibna waxay nagu tidhi

walaale axmadow maa ibarto saaxiibkaa ?
waxan ku idhi abaayo wiilkaan waxaa ladhahaa max.ed waa
saaxiibkayga qaaligaa teeda kale waxn kala sheekeestaa waxayaalo
badan
waxy nagu tidhi walaale barasho habon anigan waxa laydhahaa
suusaan waxzan xiriir leenahay saaxiibkaa axmed -deeq
kawaran hadaan in yar sheekeesano
walaaley waa yahaye ingee meel hagaagsan kadib waxan soo abaarnay
xaafada suusaan kadib waxan isha ku dhuftay intaan galin xaafad yar aan aad
unecbahay waxan waydiiyey inaay taqaan iyo in kale
waxay iigu jawaabtay mawalaalkay maxaad karabtaa ?
marka iga raali ahow hadaad ninkaa walaala tihiin>
intay naxday ayey tidhi maxaad kawadaa
awalba intaas ayaad rabtay marka iga raali ahow aniga saas kuma moodayn
saas inaad tahay hadana waad sii bixi kartaa
dhanka kale saaxiibka maxa.ed ayaa igu qayliyey hadaladiisin wxaa kamid ahaa
waryaa ma wiilkaa darttiis ayaad gabadha uga goosatay xiriirkii idinka dhaxeeyety?
waxaa tahay nin xun mar danbe islama hadalno ismana naqaan
waxa ilasoo gudboonaatay mushkilad aad udaran hadan waxaan waraysi siiyay
gabadhaan iga qortay sheekadaa layaabka leh isla markaana iiga gudbisay dhalinta
soomaliyeediyo qoftaan igu xumaatay iyo saaxiibkay maxa.,ed
Faadumo xasan cali(yabaniyo)
putlaind/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com)
lasoco qaybta danbe iyo waraysiga

Leave a Comment

Qiso hor leh oo jacayl ah iyo Yabaniyo oo mar labaad inoo daadihisa

markaan imi guriga ayaan isku dayey inaan falaasho yartaan ku rajawaynaa hadana waxan xasuustay inaan balan lahayn
waxan soo abaaray sariirtaydii waxan isku diyaariyey inaan seexdo in xoogaaya markaan jiifay isla markaana aan gam.in
ayaan fiiriyey waqtiga

hadan waxan xusuustay inaan labalamay saaxiibkay max,ed
waxan soo abaaray dhinaaa iyo saaxiibkay max.ed
intaan sii marayey wadada waxan xasuusanayey hadaladii
xubidayda hadan waxan filan waayey sida fudud oo aan ku helay
waxan soo galay gurigii max.ed salaan kadib waxaan ugu bishaareeyey inaan helay qoftaan rabay oo maantay oo dhan aan
faraxsanaa isla markaana aan ilaawayba farxad darteed
intuu qoslay ayuu igu yidhi; saaxiib waan ku faraxsanahay
hada goormaad balan santihiin saaxiib qoftaada
aawa ayaan balan sanahay saaxiib waxan kabaqayaa markaa
agtago inaan waxan ku hadlo garan waayo xiisaha aan uqabo
dartood saaxiib
max.ed; saaxiib hada ina keen saan iskugu diyaarino balanta fooda nagu soohaysa
axmed; haye saaxiib ina mari
waxan soo abaarnay xagaa iyo xaafada suusaan yarey waxan
hal mara isha ku dhuftay iyadoo inta na.aragtay hadana naga naxday oo imdhaha noo dhameestiri waayday

Faadumo Hasaan Ali(yabaniyo)
putlaind/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
kaqayb gal haboon Qaybta 3aad

Comments (1)

Qiso hor leh oo jacayl ah iyo Yabaniyo oo mar labaad inoo daadihisa

waxay aheed maalin roob uu da.ayey isla markaana jawigu daganaa
saxansaxada beeshuna aad u udgoonayd dadkuna ay faraxsanaayen
waxan soo fariistay gurigayaga jardiin kahoreeya waxaana fiininayey
dadka meesha marayey
halmaraan waxan isha qa ku siiyey gabadh aan quruxdeeda halkaan
kusoo koobi karin waxan iska dareemay miyir la.aan xaga
wadnaha ah waxaan hagaagsan ufiiriyey gabadha ay niyadaydu
gashay runtii aad ayaan uuga hellay waxaan isku dayey inaan
helo yartaas kahelay waxaan isku da.yey waxay igu tidhi walaale
marka waan ku salaamay saalaan kadib walaale adoo iga
raaliya waxaad iitilmaamtaa xaafada reer ali dheere
abaayo waan kaaqaaday reerkaa anagaa derisa ee inkeen
ku geeyee waayehey ina mari waan soo wada baxnay
intaan kusoo guda jirnay wadada ayaan waydiiyey abaayo
maxaas ayaa tahay mise inan ?
waxay igu tidhi walaale maxaad aragtay walaale?
maya waxaan jelaystay inaan kula xiriiro abaayo
waxay igu tidhi ok waa ra,yi saxan aniga gabadh ayaan
ahay waan ku faraxsanahay inaad ila xiriirto aboowo
waxan soo gaarnay gurigay rabtay waxan ku idhi abaayo
waa kan gurigaad rabtay ee hada maxaa noobalana ?
waxay igu tidhi iga lasooxirir tellka;791250ama 84;4145
waayahay qalbiyey galabtay ayaan falaashaya hadan waa inoo
iyo kulan danbe intay garabka iqabatay ayay igu tidhi ok
xubiyow hadan ku faraxsanahay xiriirkeena anigkaqayb gal haboon Qaybta 2aada hada
kahor ayaan ku dooni jiray nasiib wanaag hadaan ku hellay
anaa kaajeelinaan kula xiriiro
habada akhristow hadan idin xusuusiyo lamaanayaasha
wiilku waa axmed-deeq
gabadhuna suusaan -yarey
Faadumo xasan ali(yabaniyo)
Putlaind/boosaaso
Yabaniyo2008@//hotmail.com

Comments (4)

Qiso jacayl ah – qaybtii ugu danbeysey taxanaha jacaylka (by Yabaniyo


markaan soo fiiriyey ayaan isku dayey inuu iga dareemin wax dareena kadib ayuu igu yidhi walaale waan ku salaamay waxaa fiian inaan is barano kawaran hadaan isku barano si walaaltinimaa adoo raaliya abaayo ?
kadib hadalkii waxaa labooday saaxiibtay samsam oo tidhi walaale maxamadow gabadhaan waa saaxiibtay waxan halkaan kuugu yeedhay inaan ku baro oo kuu baro si inaad xiriir yeelataan oo iskaga soo
dhowaataan sida hada aad tihiin kawaran maxa.ed?
horta samsamey gabadhu dhagool miyaa mise qofaan hadalka aqoon?
maya waad eetamaysaa aniga saas kuul;ama hadlin ee waxaad sameesaa
aniga waan idinka baxayaaye waa idinka iyo saad isku baran laheedeen
markaasey igu tidhi nimow saaxiib garabkaaga allaha galo
runtii waan kanaxay hadalkaa aan faa.iidada soowadin markaasaan
ku dadaalay saan kugaari lahaa ama ku heli lahaa dantaan leeyahay
waxaan fiiriyey dhinaa maxa,ed waxaan nadhexmaray ereyadaan
max.ed walaale marka hore waan ku salaamay tanxigta waxan ahay
runtii gabadh doonaysa inay mustaqbal kula yeelato walaale waan
lasodaa inaadan xiiseen hablaha laakiin aniga mid aan kaaga maarmi waayey ayaa ahayd jaayl aan kuu qabo kaagan tagi karin walaale
anigana taad waad kahadli martaa qalbiyow

abooyo marka hore waan kaa qaaday salaantaada qiimaha badan
tanxigat waa markii iigu horaysay aan soo hor fariisto gabadh iga doonaysa
mustaqbal inkastoo aan xiiseen hadan waxan qaadi waayey gabadh walaashaya samsam hadalkeeda oo ad agtayda qiima uuga leh
abooyo madoonayo inaan xiriir lasameeyo gabadh soomaaliyeed oo
dhanba laakin adiga hadaad rabto niyadaan kuu dhisayaa inaad iga naayso
teeda kale maba aaminsani wax jaayl ladhoho marka kawaran hadaad
inaad rabto niyada kuu dhiso walaale ?
runtii waan kanaxay hadalkaa aad ayuu niyadayda usaameeyey anoo is
adkeenaya ayaan ku idhi may aniga madoonayo xiriir aadan raali ka ahayn
marka maadaama aad iqadarisay waad mahad santahay walaale
hadan waan iska sii baxayaa
markaan kasoo baxay ayaan iska dareemay miyir la.aan iyo
anoo aad moodo inaan sii dhaayo halkaas ayaan ku khasaaray kuna waayey jaaylkaygii waxan filayaa inuu nabsi iga daba keeni doono
hadaba akhristow gabadhaan sheekada aan kasoo qoray hadan idin xasuusiyo waa nimo markaan wareesi layeeshay nimo waxaan waydiiyey
su;aalo ay kamid yihiin
1; samsamey abaayo yarkaa aad jelayd waxaa laga yaabaa inuu nabsi
kuusoo eliyo maraa seebaad kayeeli lahayd maadaada ay markaagii joogto?
/; horta faadumow sina kayeeli maayo waayo waxaa laga yaaba inaan xaaskiisa noqdo sida uu yidhi awaale yare heestiisii
asmow kaa aarsan maayo aayaha danbiyo
rajaan eegayaa eed waxaa fashana ubadkaan dhalnaan
ku ilawaayaa
2; samsamey asaguba wuu ku xumeeyaye adiga markaada maad ka
aarsato?
/; maya madoonayo inuu daqiiqad dhib yara soo gaaro hadan alaf ku yeelana khayr iyo aafimaad ayaan urajeenayaa iyo xaas wanaagsan
waayahay akhristayaal halkaasaan kusoo gabagabeenaynaa amaba
ay noogu dhamaatay qisadii jaaylka ahayd
tan iyo intaan mid kale ku kulmi doono waa faadumo xasan ali
oo idinka tagaysa nabadiino saaxiibayaal dhamaantiin

Faadumo xasan ali(yabaniyo)
putland/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.om
kaqayb gal qisadeena danbe ee layaabka leh

Leave a Comment

Qiso Jacayl ah (by Yabaniyo)

 

waan isi saaray teelka waxan soo abaaray dhinacaa iyo magaalada
waxan lasii hadlayey niyadayda sida ay noqondoonto xaaladu
hadana waxan isku dajiyey inaan isku kalsoonaado waxan kusoo
beegmay yarkaan jeclaa oo fadhiya meherad ay isugu yimaadaan
dhalinta xaafada waxan mari waayey wadadii waayo waxanba waa
hore is siiyey yarka

dhinaca kale wiilka wuxuu aad iigu fiirinayey siduu igaranayo oo kale
waxan kabaqay inaan kufo xishood dartiis waxan soo gaaray saaxiibtay samsam xaafadoodii waxaana isdhaafsanay hadaladan

samsamey waan naxsanahay saaxiib waxan soo arkay yarkaan jeclaa waxan moodayba inuu igaranayo macaaney aad baan ujeclahay yarka teeda kale waxan kabaqayaa inuu igu dhaho iima
cubtanto yartaan saaxiibay kawaran
saaxiib nimcoy waxba haka cabsan inkastoo yuu yahay yar inta badan isla wayn oo aan xiiseen hablaha soomaaliyeed
saaxiibay wuxuu kahelaa hablaha hindidaa iyo carabta runtii wuu
kafaanaa hablaha soomaaliyeed marka waxad adeegsataa gabarnimadaada iyo jacaylka aad uqabto iyo aftahaniyo iska baar
hada waan uwacayaaye iyara sug saaxiib
runtii waxan farta ku hayey wadnaha waxan sii diyaar sanayey hadaladaan kula hadli lahaa waayo waxan ahayd markii iigu horeysay oon jeclaado wiil ama dareemo jacayl waxa soo garaacay
albaabka samsam iyo maxamed waxay fadhiisisay samsam yarkan
jeclaa maxa,ed waan fiirinwaayey wajigiisa mar qura ayuu igu yidhi

Faadumo xasan cali(yabaniyo)
puntland/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
lasoco Qaybta 4aad

Comments (2)

Qiso Jacayl qaybtii labaad (by Yabaniyo)

markaan kidhi waan xiiseenayaa barashadiisa way igu qososhay
waxayna igu tidhi abaayo aniga aad ayaan uxiiseenayaa inaan ku
baro laakin waxan kabaqayaa inuu naga dhega adkaado kawaaran
haduu saas noo galo

runtii waan kanaxay waxan ku adkeestay wax walba hayga soo gaaree adiga isku day inaad iskeen barto waxaa laga yaabaa inaan
is afgarano
si kastaba ha,ahaatee gabadhii waxay igu tidhi waayahay ee abaayo waa inoo iyo galabtay
aniga aad ayaan uuga naxsanaa jawaabta iiga imaanaysa wiilkaa
oo runtii aad maskaxdayda udagay
mideeda kale gabadhii waxay utagtay wiilkii waxayna uuga bilowday
walaale waxan rabaa inaan ku baro gabadh saaxiibtaya kawaran
runtii waa gabadh aad kuu xiiseenaysa oo kaadoonaysa mustaqbal
wuxuu ugu jawaabay walaale marka hore waan fiirinayaa haday ii
cubtanto raali ayaan ka haya hadii kalase madoonayo ruuxay naftaydu raali ka ahayn
waxay tidhi waayehaye goormaan iskiin baraa ?
goortaa rabto marwalba diyaar baan ahay
dhinaca kale anigu waxan sugayey dhib iyo dheefba maadaama
aan ahay qof danleh cabaar markaan jifay sariirtayda ayaa waxaa
soo dhacay talofonka waxaaba qabatay maamadeeyda
hello waa kuma ?
hooyo waa samsame seetihiin iiga waran xaaladiina caafimaad
hooyo samsameey waan ladanahay dhamaanteen
hooyo naciimi majoogtaa ?
haa hooyo waa tane lahadal macaan
hello samsameey saxiib iiwaran maxaad haysaa iga waran xaalada
saaxiibey wallaahi waan ladanahay waxan kuu hayaa sheeko
dhinaca wiilkeenii marka waxan rabaa inaan iskiin agkeeno
marka goormaan is aragnaa
macaaney waan ku farxay ee caawa ayaan kuu imaanayaa qalbiyey

Faadumo xasan cali (yabaniyo)
puntland/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
lasoco Qaybta 3aad

Leave a Comment

Jecliyaa dalkeena iyo umadeena

Daawasho wacan!!
Heesta Calanka Ogaadeeniya
Xoogii dalka Soomaaliya

Leave a Comment

Bosaso: Qiso jacayl oo xiiso leh (Yabaniyo)

inkastoo naruuriyo nabad iyo barwaaqiyo nooluhu ku taamaan qaarbaa ku noolaan niyadoodu diidaa nabad iyo rayskana ku nagaan
karaynoo naawilaaya meel kale

hadaba jacaylku maaha wax lataabto ama la arko amaba wax jira
laakin jacaylka waa ladareemaa waxaana laga dareemaa xubnaha
jirkaaga waxad isku arkaysaa waxayaalo badan sida caajis ama
ruuxii aad jeclayd maahee mid kalaba kuuma muuqanayo
hadaba hadan intaa ku dhaafno arimaha jacaylka oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxan halkan idiinku haynaa qiso jacayl oo
runtii aad u qiima badan hadab mar kale kusoo dhawaada

waxan ahaa gabadh soomaaliyeed isla markaana aad ujecel inay
wax barashada meel sare kagaadho waxan isku dayi jiray inaan
waligay lasheekeesan dhalinta xaafada iyo tan gobolkaba
hadaba maalin maalha kamida ayaan waxan jeclaystay inaan
u aaaaado waxbarashada gobolka bari gaar ahaan boosaaso
waxan ku dagay abtigay oo runtii aad ii jecel waxan kabilaabay
iskuulka nawaawi ee loo yaqan markazka
waxan kabilaabay fasalkayga 8aad
maalin maalmaha kamida ayaan waxan galaynay imtixaanka shahriga
waxan usoo baxay banaanka saan udaraaseeyo maadada carabiga
waxan halmara dareemay kuleel isoo galay kor ayaan fiiriyey
waxanba arkay wiil aan quruxdiisa lasoo kobi karin runtii dareen ayaa
igalay waxana isku dayey inaan lakulmo inanka hadan waan yara
xishooday
gabadh aan daris ahayn ayaan ku arkay iyadoo lahadlaysa
waxan uyeeray gabadhii
abaayo samsameey mafiican tahay maantase quruxlow ayaad
lasocotaaye
abaayo naciimo waan ladanahay wiilkana waxan nahay ilma adeer
ee manihin saaxiibo kawaran hadan ku baro walaalkay
aad ayaan uugu faraxsanahay inaad ibarto

Faadumo xasan cali(yabaniyo)
puntand/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
lasoco Qaybta 2aad

Comments (1)

Sawiro!!

Daawasho Wacan!!!

Daawasho Wacan!!

Comments (6)

Bilicda Dhulkeena

Daawo Dacalada dhulkeena bilicda lagu manaystay, ku raaxayso

Leave a Comment

Daawo Riwaayadii Qabyo 2

Daawo kuna raaxayso riwaayadii qabyo 2

Comments (2)

Khadra Daahir Cige (Hooyada Jacaylka)

In badan baa loo bukee u bog Khadra Daahir Cige (Khadra Dhool), daawo heeseheedi

Comments (2)

Daallo Daawo Dacalada

Daawo bilicda iyo dacalada Daallo

Leave a Comment

Waayaha Cusub ka daawo halkan

Halkan ka daawo Waayaha Cusub!!!!!

Leave a Comment

Hablaha reer Sanaag iyo dhaqanka

Ka daawo gabadh reer Sanaaga oo ka waramaysa qiima dhaqanku leeyahay

Leave a Comment

Daawo Gelbiska Hablaha Soomaaliyeed

Halkan ka daawo Gelbiska hablaha iyo Ubax Fahmi

Comments (2)

Jaceylkii guldareystay

Walaalaha qaliga ahow dhamaan tiin waxaad iga gu doontaan salaan qali ah salaan gib walaalayaal waxaan halkaan kaga hadlayaa wax aan u arko wax loo bahan yahay in laga hadlaa kuwaa oo ah lamaanaha is jeclaada isla markaana is waayaa ama illaah uu calaf is galin waxaa dhacdo in badan wiil iyo gabar in aay is shukaan sadaan isla markaana jaceyl baxaad weyn uu dhax maraa isla markaane aaysan calaf isku laheyn halkaana aay isku qaadaan colaad ba an oo ka dhalataa xaga wiilka ama gabadha oo aay u aragtaa in uu qofkale jeclaa ayadane macna kale uu ku waday halkaane aay ka dhalataa is aamin daro maxaa yeelay wiilkii&gabadhii waxa aay u arkeysaa raga&dumarka oo idil in aay yihiin dad been ku dhaqmo halkaane aay ka dhalataa qofkaa in uusan qof kale uusan aaminin maxaa yeelay waxaa kusii hor cad wixii hore oo waxaa laga yaabaa in aay kawada hadleen halkii aay dagi lahaayeen iyo sidii aay u dhaqmi lahaayeen dadkaa uu illaah kale geeyay aniga waxaan kula tali lahaa in aay samir iyo dulqaad aad udheer sameeyaan oo aay waliba in aay sidii hore iyo si kafiican iskugu imaadan isla markaane aay is cafiyaan si aay u helaan kalsooni markalane aay niyada qofka laga tegayo aay ku soo noolaato maadaama aay noqotay qof aanan dad aamini Karin walaalaha jaceylka wadane waxaan ka cod sanayaa in aay muu jiyaan kalsooni aay kahadlaan wax wanaagsan iyo in aay runta isku sheegaan madaama aay jiraan dad is jecel isla markaane aan wax isku sheega Karin ninbaa jiray jeclaa gabar aay is yaqaanan oo aay ischool wada dhigan jireen wuxuu arki jiray gabadha oo aay rag kale la socdaan wuxuu niyada iska oran jiray amey ku tiraahdaa nin kale ayaan jeclahay

Leave a Comment

Caalamka Jacaylka

 

Calaamaadka JACEYLKA Doodi kama taagna in dunida aynu ku nool nahay in ay Jaceyl ku dhisan tahay , mana jiraan laba qof oo isku haysta in waxa la yiraahdo Jaceylka uu yahay mid jira laakiin qof waliba macna gaar ah ayuu u yeelaa gaar ahaan qof uu cudurkaasi ku dhaco .

Waxaana adag in si dhab ah loo micneeyo Jaceylka ama la ogaado macnaha dhabta ah ee saxda ah ee uu leeyahay inkastoo qoraayaal badan ay isku micno u soo dhaweeyeen .

Haddii aad qof weydiiso waxaa maxay Jaceylka waa adag tahay in uu ka jawaabo weyna adag tahay in xiligaasi aad jawaabta hesho .

Laakiinse jawaabta dhabta waxa ay noqoneysa in Jaceylka uu yahay magacyada kuwo la sameeyo kan ugu mac , waxaan kaloo u dhigi karnaa sidaan:

Jaceylka waa Koob ay ka buuxdo Hawo qof walba oo wadna sahqeynayana leh uu doonayo in uu Cabbo ,waana sida qaboow iyo kuleel sida uu kuu so maro , waa uuna ka dheereeya Ileyska dhab ahaan , waana asaaska wax walba oo qeyr ah oo Fiican .

Jaceylka waa sida Doon Bilaa shiraac ah oo badda mowjadaheeda si amaan ah ku mareysa marna waa gilgilaha Dunida oo buuraha Fulkaano ka qarxiya .

Jaceylka waa Cudur , Guurkana waa Caafimaad , Cudur iyo Caafimaadna meel ma wada kulmaan .

Jaceylka dhabta waa sida Catar ama Barfuun oo raadkiisa ama caraftiisa iska taagan tahay oo aan baaba`eyn waligiisa.

Jaceylka waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana Jaceylka waa hanasho waa jamasho waa hiloow.

Jaceylka waa mid ka mid ah xalaadaha ugu weyn aduunka kaasi oo qofka qof kale u soo jeeda si ay u garaan wada noolaasho .

Ma ah Jaceylka in aad ku tiraah qofka wana ku jeclahaya balse waa in uu lahaada ficil oo la qaadaa talaabooyin si ugu dambeeyntii loo gaaro dhadhaminta macaanka nolosha lagu askumay Jaceylka dhabta ah .

Qofka wax jeclna waxa uu sameeyaa inta karaankiisa sidii uu soo jeedin lahaa nafta kale isaga oo ku saleeynaya dareemo ah in ay wada yihiin hal naf , hal caqli , hal gacan , hal jir iyo hal urur .

Macnaha Jaceylka ma ah mid lagu soo koobi karo maqaal ama laba maqaal laakiinse waan filiyaa in nuxur badan ama macno badan aad kala bixi doonin .

Calaamadaha Jaceylka:

Inkastoo qof waliba oo uu soo maray Jaceyl dhab uu u leeyahay calaamado gaar ah hadana inta badan waxa la isku raacay calamadahaan Dhidid fara badan, farxada la`aan , Fikir xad dhaaf ah , dhibsiga hadalada dad kale , in si weyn ugu oomanaato in lagaaga sheekeeyo qofka aad jeceshahay(gabar ama Wiil) iyo in aad aragto muuqiisa , cunnada oo ka xeranta , iyo waliba aqrinta sheekooyinka la xariira Jaceylka .

Wax Yaabaha Jaceylka Sara U Qaada: daacadnimo . adkeeynta balanta, ihtimaam siin ama daryeel, Runta , kalsooni .
Wax Yaabaha Jaceylka Bur Buriya:Qiyaanada waa mid ugu horeeysa ee ugu weyn in uu bur buro Jaceylka , Beenta iyana waa qeyb ka mid ah sababaha keena fashilka Jaceylka, Balan la`aan , in aadan daneyn qofka Jaceylka kaala dhaxeeyo , iyadoo Mowjadaha Jaceylka aad qof kula jirto in aan meel kale isku dayin in aad gasho taasi micnaheedu wa Damac qof kele.

Haddii aan Xaraf xafar ukala qaadno Jaceylka Soomaali ahaan waxa aynu u dhigi karnaa J(Jahwareer) A(Amakaag) C(Calaalncal)A(Ahmiyad) Y(Yaab) L(Luul) dhanka Carabta erayga (EiKC ) waxa ay u dhiagaan sida EiKEI waxa ay u taagan tahay Wareer halka EiCEI-na un taagan taagan tahay Cudur .

Erayga Jaceylka Ciyaar ma in aad ku dhawaaqdo waxaase asxaabta maqaalkaan fursad u hesha in ay aqristaan ku boorinayaa iyadoo aan Jaceyl hayn in qof kale ku yiraahdaan waan ku jeclahay iyadoo suura gal ah in qofka aad ku leedahay waan ku jeclahay uu dhab u qato ugu dambeeyntii cidlo uga tagto .

Ubaxu Waa Luqada Jaceylka

Dadka is jecel ee Duinada ku nool waxa ay leeyihiin habab u gaar ah oo ay ku muunjiyaan Jaceylkooda iyo waxa ay rabaan .

Tanina waxa ay tahay luqad u gooni ah oo uusan fahmi karin qof aan dhadhamin waxa uu yahay Jaceylka mooyee iyadoo luqadaasina ay tahay Luqadda Ubaxyada oo ka mid ah luqadaha ugu fiican Aduunka .

Hadaba Haddii Laanta Ubaxa u janjeerto dhanka Midig micnaheedu waa (Aniga ) .

Haddii ay u janjeerto dhanka Bidix micnaheedu waa (Adiga)

Hadii Ubaxa laguugu soo dhiibo gacanta Midig waxa ay ka tarjumeysa jawaab wax ku ool ah oo lagu farxo haddiise laguugu soo gudbiyo Bidix waxa ay muujineysa jawaab aan fiicneyn oo aan wax ku ool aheyn.

Haddii Haweeneydu laanta ubaxa saarto wadnaheeda korkiisa waxa ay dooneysaa in ay tiraahdo “Waxaan jeclahay” .

Haddii haweeneydu Ubaxa ku tidicdo timaheeda waxa ay taasi ku tuseeysaa Digiin .

Midibada Ubaxa iyo micnaha ay xanbaarsan yihiin .

Midibka Gaduudka Micnahiisa: Aniga waxaan diyaarinayay maalmihii mar kale aynu wada kulmi laheyn .

Midibka Gaduudka Buuxa Micnahiisa: In Badan ayaan ku weysanaa.

Midibka Jaalaha Micnahiisa: Run ayaan kuugu dhaaranayaa waan ku jeclahay .

Midibka Cadaanka ah Micnahiisa:Waxaan aamisanahay hufnaantaada iyo ceeb la`aanta waxaana dhowrayaa dhowrsanaantada.

Midibka Oranjiga ah Micnihiisa: Waxaan ahay saaxibkaaga daacadda ah .

Midibka Maariinka micnihiisa:Waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo barwaaqo.

Midibka Baluuga:Waan ku bar bar taaganahay inta aan ka dhimanayo .

Tirada Ubaxyada iyo micnahooda

1-Halkii Ubaxa Ah: Wax waliba waa ii Adiga .

2-labada xabo ee Ubaxa: Ina keen aynu wada safarnee .

3-sedexda Ubax: koorma ayaan awoodaa in mar kale aan kuula kulmo.

4-afarta xabo :Waan kuu mahad celinayaa .

5-shanta Ubax: Wax walab oo aad iga codsato waan sameynayaa.

6-lexda Xabo ee Ubax: Sheekadaada ama hadalkaada ayaan u xiisay .

7-todobada Ubax :waan ku Jeclahay .

8-sedeeda xabo ee Ubax :daacad ayaan kuu ahay inta aan ka dhimanayo.

9-sagaal Ubax:waxaan rabaa in aan kaligey ahaado xagaada .

10-Tobanka Xabo ee Ubax: Ma Dooneysaa in aad i guursato Aniga .

Dhambaaol Jaceyl oo kooban :

1-Nafyaheey degtay oo qabsatay qalbikeyga iyo maankeyga xukuntayna guud ahaan dareemaheyga , waxaan kuu soo dirayaa fariintaani xanbaarsan uduga Jaceylka iyo ubaxyada aduunka .

Jaceylkeygaay waxaan ogaaday in Jaceylku Macaan yahay noloshana macno leedahay taasina waxa ay timid markii aan ku jeclaaday .

Jaceylkaaga qalibigeyga waa uu ku kobcay iyadoo haatan uu gaaray in aan maxbuus u noqdo Jaceylkaasio.

Jaceylkeygaay waxaan xanbaarsanahay guud ahaan wax walba oo is burinaya oo liddi isku ah ee dunida yaal oo ah Rajo , Quus , Faraxad iyo Murugo waana ku faraxsanahay Jaceylkaaga .

Waxaad iga soo bixisay nolosha murugada iyadoo Jaceylkaada uu i keenay oogada dhulka oo aad igu dhandhansiisay faraxda Jaceylka .

Xabiibi kaama qarinayo in wadnaheygu ama qalbikeygu ahaa saxaro lama dagaan ah balse Jaceylkaada ayaa iiga dhigay beer doog leh oo uu Jaceylkaada waraabinayo .

Xabiibi waxaan doonaya in aan ku qayliyo cod kan ugu dheer , waxaan doonayaa in guud ahaan waxa Qalin iyo warqad taal dunida in aa ku qoro Jaceylkada .

Waxaan fariintaani ku soo qorayaa guud ahaan xarfaha Jaceylka oo aan ku soo qorayo dhiigga Qalbikeyga , haddii aan kuu soo qoro erayda kuwo ugu mac ee Jaceylka ma gudi karo xaqaaga , waxaan wadnaheyga ku wadaa wax walba oo uusan qof fileyn hadii aan dadka gabya kuwa wax qura u micneyn lahaana Jaceylka aan ku qabo mucjiso ayay ku noqon laheyd .

Dhambaalo Jaceyl :

Macaanto/macaae, Waxaa ii tahay ileys ii baxay waxaa sidoo kale ii tahay Jaceyl aan marna Laabtayda ka go’i karin,Waxaa habeen iyo Maalin Gacaliso/Gacliye i hor taagan waa adiga iyo Riyadaada,Macaaneey/Macaane Waxaan habeen iyo Maalin igu soo kordhaya waa Jaceylka aan ku qabo.

Walaahi Dareenka aad jirkeyga ku leedahay waa mid aan lasoo koobi karin,Laakiin waxaa mararka qaar niyadeyda ku dhistaa in aan Maalin un ku heli doono,Macaaneey/Macanaae la soco in aad nolosheyda gelisay Saaxada Caashaqa oo aad adiga mooyee aysan rabin cid kale.

Waxaan Xalay saqdii dhexe galay Daruuraha Samada’iyo Noloshii Jaceylkeen midii ugu manaaceyd,Waxaan dheelalaababa Waxaa la ii lulaayaa Laamihii Jaceylkeena kuwii ugu wacnaayoo abidkeenba aan rabnay.
Adigana Macaaneey/Macaanoow waxaa kaa sugayaa waa in aad dhankaagiyo ka ilaalisaa Caashaqa,Sababtoo ah haddii aanan Caashaqa labadeena wada ilaalin Macaanto dhibkeeda ayey leedahay,Sidaasi darteed waan ku kalsoonahay Jaceylkeena inuu najixi doono oo waliba Guushisa wada qaadan doono.

Inta Dumar/Rag filkaa’iyo Waxaad tahay Faceed tii u fiicneyd,Umaad dhalan Fudedd iyo Fowdo in aad Abuurtoo Faduul Aadmi maad baran,Fariidaan jaclaayey Fikradaada wacan iyo Fahmadaada Badanbaa Facaa aad ku dhaaftee Alle ii kaa Fayoobee Macaaneey/macaanoow.

Cishqibeygu fidayoo Feeraha dhexdoodiyo Halbowlaha ku faafee,Waxasina waxaa i garsiiyey Waa Codkaaga Dahabiga ah ee lagu laray Dareemihii Jaceylkeyga kii ugu badnaa,Marna ma moogaan karo codkaaga ,sidoo kale marna ma sugi karo inta aan ka helayo Qoraalkaaga iyo Sheekadaada.

Fariin kale :
1-Waan wada eegay wajiyada aduunka maba arag bashar kaa qurxoon kaana wanaagsan , maba sifeyn laheyn arimahaani oo idil haduusan Jaceylkaada i qaadi laheyn.

Jirkaag siman , indhahaaga qurxoon oo hadii dunida oo idil isu timaado sifeyn karin ayaan u oomanahay ,.

Mana ah markii ugu horeeysay oo aan fariin kuu soo diro oo ay ka muuqdaan Oraahyo muujinaya Jaceylka aan kuu qabo iyo muragada i haysa waxaan kaa sugayaa jawaab guud ahaan iga baabisa muragada aynu ku dheehan tahay ogalaasho ku aadan in aad wax ila qabto .

Jawaabta Fariinta:Waa ay i soo gaartay fariintaadi wareegga dhiiga saameyneysay ayna ka buuxday rabitaanka Jaceylka iyo isu soo dhawaanshaha Jawaabta soo daahday-na waxa ay aheyd mid aan ku eegayay inta uu la eg yahay Sabarkaaga iyadoo aan sugi waaysanaa jawaabtaada ayaa waaxa ii keenay boostaale.

Waan ku farxay aqrinteeda markii aan dhadhamiyay dareenada ka muuqda ee fog ee igu aadan , markii aan si wacan u sii eegayan-na Ilmo ayaa iga soo hoortay .

Waa ikanaa aniga oo kuu soo diraya fariin muujineysa sida niyad samida ah ee aan kaaga aqbalay Jaceylka iyo rajada macaan ee aad ii qabto , waxaana tix gilinayaa ilinta iiga dhacday dhulka markii aan aqriyay fariintaadii ugu dambeeysay ee aad ku soo bandhigtay cudurka ku hayo .

Fariin kale:Ka hor inta aan bilaabin qoraalka erayadaani ii ogolaaw in aan muujiyo waxa ka soo baxayo qalbigeyga ee muragada iyo farxadda leh taasi oo ah kuleylka Jaceylka aan kuu hayo .

Ma garanayo meel aan hadal kaaga bilaabo taasina waa karaaca wadnaheyga oo doonayo in aan uu kuula shaqeeyo muragadana iga qaadid , Saacaddii aan ku arkay ilaa hadda indhaheyga waxa ay diideen in ay seexdaan oo ay dhadhamiyaan macaanka hurdada , waxaan kaa fekiraa Habeen iyo maalin waxaan ku riyoodaa in mar uun aan ku heli doono .

In badan ayaan ku kormeerayay mudadaasina waxaan ku ogaaday in aad tahayqof dhowrsoon oo iina qalantana , waxaana dareemay in nafteyda ka maarmin naftaada .

Si aan kuugu muujiyo dareenkaasi waxaan kaa codsanayaa in aad iga aqbashid in aan kuula kumo .

Jawaab fariintaasi :Wax lala yaabo ma ah in markii aad i aragtay uu kuugu dhacay cudurka indhaha l`a ee Jaceylkaasi ah ,shakigana iigama jira in aad dareemay nooca aragtidaada waxaan dareemay in uun wax jiraan , waadna i hamisay iyadoo aan wax hadal ah na dhex marin sidaa awgeed waxaan kaa ogalaaday in aan kuula kulmo beri galab si an u qiimeeyo cadeeynmaha Jaceyl ee aad ii Hayso .

Waxaan kaa rajeynayaa in hadalkaaga uusan noqon mid qiyaano , waana suura gal in nolol daacad kuwada noolaano .

Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay:

In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .

Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.

Ha la yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan milkiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in duniada oo dhan uu saameeyo.

Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.

Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .

Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca .

Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad .

Jawaabta fariinta:Qaali ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .

Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .

Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo badhigo quruxdaada .

Ku kolsoonaaw qaali in aan noolaneyn la`aantaada oo aan dhibkaa Jaceylka iyo faa`idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .

Xabiibi waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go`a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com
Cape Town +27739667794
Xaquuqda Qoraalkaani waxa ay u dhowrsan tahay Qoraaga

 

Comments (3)

Heeso Somali ah

Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa

From Heeso qoraala, 2008/06/13 at 6:14 PM

 
 

Dad hadaad is qabataan
Ilay waad la doodaa
Dugaagoo ku weerara
Yurbaa lagula dabaalaa
Duufaanka xooga le
Waa laga ducaystaa
Shaykastoo nafta u daran
Waxbaa lagula daalaa
Belo waxa u digo kulul
Damci xume jacalylkaa
Daan daansi badanaa
Waa dira diraalee
Ninku maalintaa dago
Ama uu la helo dabar
Ayaa diifka abadkii
Dusha aad ka garataa
Darani inuu helay
Uu dakharo kaga tagay
Ana doorsan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu maydulgalsaa
Naftu naftu naftu
Naftu maysku duubtaa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa
Dabku huro jaleecada
Uuka beermo daymada
Dunqulaalka shaydaan
Dhedo iyo xanuun iyo
Dabkay huriso barashadu
Inuu cudur da wayn yahay
Nin kuu helo dawoobayn
Inuu yahay dabiibtii
Intuu hore u dabar jaray
Ninkii qays ahaa kow
Ku daroo cilmina laba
Afartuu deldeliyoo
Ma ceeblaa dub loo arag
Inta layla kaga daray
Intuu daarka aakhiro
Ku daboolay caashaqu
Hodan haw danbaysee
Ma cid bay ka dedan tahay
Ana doorsan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu maydulgalsaa
Naftu naftu naftu
Naftu maysku duubtaa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa

 

 
 

 

CEEL BUUR KU YAALAY by codkii Salaad Mohammed Derbi
Culays uma dhaqaaqdoo mana cararto,
Cagta socodka kuma dhererto ciidee,
Wey cidhib-sataa
Ceeb ma leh yartaniyoo
Caynkeeda oo kale
la cadaabi maayee
Waa curad ninkii dhalay,
Laga siiyo cuuddoo
Waa curad ninkii dhalay,
Mahad looga celiyaa
*** *** ***
Cuddudaha gamcaha
Cidayaha faraha,
Casarkii cadceeddoo
Godka cidhifka gelisoo
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaanaa
Ku cadaysay baalaha
*** *** ***
Ama laanta canabkoo,
hoobaan la ciirtiyo
Cambaruud bislaadiyo,
cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon,
cidi daaqin weeye
Ilaa cidhibta hoosiyo
tinta caaradeeda,
Cad xun ku arki maysidee,
waxa ay la cayn tahay
*** *** ***
Cidla lama amaanee
Sida geed caleenoo,
cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
Laamaha caleentii
ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay
*** *** ***
Ma cel-celiso haddalkoo,
runta kama cabsootee
Carab-dalable callool weecsan
Kugu lama caweyso
Cayn kastaba u eegoo,
cadho ku arki maysidee
Cid waxay ku dhaaftaa,
kolay camal samaantee,
Waa curad ninkii dhalay,
laga siiyo cuuddoo,
Waa curad ninkii dhalay,
mahad looga celiyaa
*** *** ***
Cuddudaha gacmaha
Cidiyaha faraha,
Casarkii cadceedoo,
Godka cidhifka gelisoo,
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaana
Ku cadaysay baalaha
*** *** ***
Waxa ay la cayn tahay,
Cidna lama amaanee
Sida geed caleenoo
Cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
laamaha caleentii
Ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay.

Comments (1)

Adduunyada nin dhoofow

Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa

Leave a Comment

Qamar [Beerdilaacshe iyo Magool]

Beerdilaacshe

Qormo roob helayoo
loo qaaniyeeyey
ay xareedu qarisaad
qamareey quruxdeeda leedee
qaadirkii ilaahey
qaayihiiyo sharaftii
qanjiidho koley tahey
kaama uu qadinine
markaan qamar ku eegaba
qamuunyaa ilagadee
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa

Magool

Qoraxdoo aroortii
qar la soo baxdoo
aan caadku qarinbaad
qumanow qabadeedii ledee
nabi yuusuf quruxdii
qaadirkeenu siiyaa
adna qeyb ka wadataayoo
qeyrkaa ku dhaaftee
hadaan qado anfaaciga
adaan kugu qaboobaa
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye

Beerdilaacshe

Labadaada qaariyo
dhexdu qabasho leedaa
geenya qeyl lahoo
loo qaadey heesaa
qotonkeeda leedee
dayax qanimadiisii
aan caadku qariniyo
cirku sagalku qeydiyo
qureyshtii haweenkaay
qadow geed ku yaaliyo
qawlihii magooleey
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa

Magool

Waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadiriyaa
qabri hoose mooyee
qumanow qarnigaba ma noolee
qadaf ku hadli mayee
amaanta aan kuu qirey
waa mid aad u qalantood
qaayo aad ka gaadhee
wax ilaahey kuu qorey
lagaa qaadi maayee
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye

Comments (1)

Hibooy Heedhe

Magool

Huqdaad i goysaa
la cidla laga hayaamee
hayinaan ku guuraan
heeryo saaro waayee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

meehanaabayee
oo haraadayee
waxaba haysanaade

hoodiyo ayaaniyo
hibuu rag isku dhaafee
habeen dhalad ninkii ahna
talo kama habawdee
hibooy hadimada adaa leh

hibooy kolka waan hinqadayo
hibooy hareeraha i qaadaye
waxaan haabta waayee

Magool

Hinqaryada i haysiyo
duryan baa hadal batee
waxaad haabanaysiyo
hanti kuguma lurayee
hadhka labada galiniyo
hooskaa wareegee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

Comments (2)

One day while chewing khat in a friend’s house, a girl came in carrying water and tea for me.

Dhuxul’s story
 
 

She was very shy but immediately I fell in love with her.

I asked her whether she had any objections to us getting to know each other, she said no and that her name was Deqa Dahir.

We used to meet every Friday evening for three hours. It gave me so much pleasure just to spend that time with her. I started to worry what would happen if I ever lost my Deqa – what would be my fate?

Terrible news

One and a half years later I received some terrible news – Deqa was betrothed to another man. My life immediately went into turmoil.

I decided to go to a Medicine man who told me I had to overcome many problems.

That convinced me that I had to ask Deqa’s family to let me marry their daughter instead. I bravely approached her mother and prepared myself for the inevitable bad news.

Deqa’ s mother was surprised, but she said it all depended on what Deqa wanted to do.

This approach to Deqa’s mother created a huge rift in her family. Deqa’s eldest brother, who had headed the family since their father died, was totally opposed to my proposition.

Eventually I asked him to meet with me. Though it was evident from his expressions that he was totally against me, he also said the choice was Deqa’s.

Deqa’s decision

He brought her into the room and in front of me asked her whether she wanted me. She could not reply – tears started running down her cheeks and she ran out of the room. I chased after her but she wouldn’t speak to me.

After that the more senior members of Deqa’s family intervened, and asked her to make a decision.

I couldn’t stand waiting for the news, so I went home. After a terrible few days of expecting her to reject me, eventually she chose me.

It was really the happiest moment in my life.

This morning I woke up next to Deqa.

Source: BBC World

Comments (3)

Older Posts »