Archive for Suugaan

Ciid Mubaarik! Ciid Mubaarik! Ciid Mubaarik!

 

Leave a Comment

Qaybtii afraad iyo qisadii jacaylka oo Yabaniyo inoo sii wado

 

maraan kusoo dhawaanay ayey intay soo istaagtay waxay nagu
boobtay salaan aad uxiisa badan kadibna waxay nagu tidhi

walaale axmadow maa ibarto saaxiibkaa ?
waxan ku idhi abaayo wiilkaan waxaa ladhahaa max.ed waa
saaxiibkayga qaaligaa teeda kale waxn kala sheekeestaa waxayaalo
badan
waxy nagu tidhi walaale barasho habon anigan waxa laydhahaa
suusaan waxzan xiriir leenahay saaxiibkaa axmed -deeq
kawaran hadaan in yar sheekeesano
walaaley waa yahaye ingee meel hagaagsan kadib waxan soo abaarnay
xaafada suusaan kadib waxan isha ku dhuftay intaan galin xaafad yar aan aad
unecbahay waxan waydiiyey inaay taqaan iyo in kale
waxay iigu jawaabtay mawalaalkay maxaad karabtaa ?
marka iga raali ahow hadaad ninkaa walaala tihiin>
intay naxday ayey tidhi maxaad kawadaa
awalba intaas ayaad rabtay marka iga raali ahow aniga saas kuma moodayn
saas inaad tahay hadana waad sii bixi kartaa
dhanka kale saaxiibka maxa.ed ayaa igu qayliyey hadaladiisin wxaa kamid ahaa
waryaa ma wiilkaa darttiis ayaad gabadha uga goosatay xiriirkii idinka dhaxeeyety?
waxaa tahay nin xun mar danbe islama hadalno ismana naqaan
waxa ilasoo gudboonaatay mushkilad aad udaran hadan waxaan waraysi siiyay
gabadhaan iga qortay sheekadaa layaabka leh isla markaana iiga gudbisay dhalinta
soomaliyeediyo qoftaan igu xumaatay iyo saaxiibkay maxa.,ed
Faadumo xasan cali(yabaniyo)
putlaind/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com)
lasoco qaybta danbe iyo waraysiga

Leave a Comment

Qiso hor leh oo jacayl ah iyo Yabaniyo oo mar labaad inoo daadihisa

markaan imi guriga ayaan isku dayey inaan falaasho yartaan ku rajawaynaa hadana waxan xasuustay inaan balan lahayn
waxan soo abaaray sariirtaydii waxan isku diyaariyey inaan seexdo in xoogaaya markaan jiifay isla markaana aan gam.in
ayaan fiiriyey waqtiga

hadan waxan xusuustay inaan labalamay saaxiibkay max,ed
waxan soo abaaray dhinaaa iyo saaxiibkay max.ed
intaan sii marayey wadada waxan xasuusanayey hadaladii
xubidayda hadan waxan filan waayey sida fudud oo aan ku helay
waxan soo galay gurigii max.ed salaan kadib waxaan ugu bishaareeyey inaan helay qoftaan rabay oo maantay oo dhan aan
faraxsanaa isla markaana aan ilaawayba farxad darteed
intuu qoslay ayuu igu yidhi; saaxiib waan ku faraxsanahay
hada goormaad balan santihiin saaxiib qoftaada
aawa ayaan balan sanahay saaxiib waxan kabaqayaa markaa
agtago inaan waxan ku hadlo garan waayo xiisaha aan uqabo
dartood saaxiib
max.ed; saaxiib hada ina keen saan iskugu diyaarino balanta fooda nagu soohaysa
axmed; haye saaxiib ina mari
waxan soo abaarnay xagaa iyo xaafada suusaan yarey waxan
hal mara isha ku dhuftay iyadoo inta na.aragtay hadana naga naxday oo imdhaha noo dhameestiri waayday

Faadumo Hasaan Ali(yabaniyo)
putlaind/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
kaqayb gal haboon Qaybta 3aad

Comments (1)

Qiso hor leh oo jacayl ah iyo Yabaniyo oo mar labaad inoo daadihisa

waxay aheed maalin roob uu da.ayey isla markaana jawigu daganaa
saxansaxada beeshuna aad u udgoonayd dadkuna ay faraxsanaayen
waxan soo fariistay gurigayaga jardiin kahoreeya waxaana fiininayey
dadka meesha marayey
halmaraan waxan isha qa ku siiyey gabadh aan quruxdeeda halkaan
kusoo koobi karin waxan iska dareemay miyir la.aan xaga
wadnaha ah waxaan hagaagsan ufiiriyey gabadha ay niyadaydu
gashay runtii aad ayaan uuga hellay waxaan isku dayey inaan
helo yartaas kahelay waxaan isku da.yey waxay igu tidhi walaale
marka waan ku salaamay saalaan kadib walaale adoo iga
raaliya waxaad iitilmaamtaa xaafada reer ali dheere
abaayo waan kaaqaaday reerkaa anagaa derisa ee inkeen
ku geeyee waayehey ina mari waan soo wada baxnay
intaan kusoo guda jirnay wadada ayaan waydiiyey abaayo
maxaas ayaa tahay mise inan ?
waxay igu tidhi walaale maxaad aragtay walaale?
maya waxaan jelaystay inaan kula xiriiro abaayo
waxay igu tidhi ok waa ra,yi saxan aniga gabadh ayaan
ahay waan ku faraxsanahay inaad ila xiriirto aboowo
waxan soo gaarnay gurigay rabtay waxan ku idhi abaayo
waa kan gurigaad rabtay ee hada maxaa noobalana ?
waxay igu tidhi iga lasooxirir tellka;791250ama 84;4145
waayahay qalbiyey galabtay ayaan falaashaya hadan waa inoo
iyo kulan danbe intay garabka iqabatay ayay igu tidhi ok
xubiyow hadan ku faraxsanahay xiriirkeena anigkaqayb gal haboon Qaybta 2aada hada
kahor ayaan ku dooni jiray nasiib wanaag hadaan ku hellay
anaa kaajeelinaan kula xiriiro
habada akhristow hadan idin xusuusiyo lamaanayaasha
wiilku waa axmed-deeq
gabadhuna suusaan -yarey
Faadumo xasan ali(yabaniyo)
Putlaind/boosaaso
Yabaniyo2008@//hotmail.com

Comments (4)

Qiso jacayl ah – qaybtii ugu danbeysey taxanaha jacaylka (by Yabaniyo


markaan soo fiiriyey ayaan isku dayey inuu iga dareemin wax dareena kadib ayuu igu yidhi walaale waan ku salaamay waxaa fiian inaan is barano kawaran hadaan isku barano si walaaltinimaa adoo raaliya abaayo ?
kadib hadalkii waxaa labooday saaxiibtay samsam oo tidhi walaale maxamadow gabadhaan waa saaxiibtay waxan halkaan kuugu yeedhay inaan ku baro oo kuu baro si inaad xiriir yeelataan oo iskaga soo
dhowaataan sida hada aad tihiin kawaran maxa.ed?
horta samsamey gabadhu dhagool miyaa mise qofaan hadalka aqoon?
maya waad eetamaysaa aniga saas kuul;ama hadlin ee waxaad sameesaa
aniga waan idinka baxayaaye waa idinka iyo saad isku baran laheedeen
markaasey igu tidhi nimow saaxiib garabkaaga allaha galo
runtii waan kanaxay hadalkaa aan faa.iidada soowadin markaasaan
ku dadaalay saan kugaari lahaa ama ku heli lahaa dantaan leeyahay
waxaan fiiriyey dhinaa maxa,ed waxaan nadhexmaray ereyadaan
max.ed walaale marka hore waan ku salaamay tanxigta waxan ahay
runtii gabadh doonaysa inay mustaqbal kula yeelato walaale waan
lasodaa inaadan xiiseen hablaha laakiin aniga mid aan kaaga maarmi waayey ayaa ahayd jaayl aan kuu qabo kaagan tagi karin walaale
anigana taad waad kahadli martaa qalbiyow

abooyo marka hore waan kaa qaaday salaantaada qiimaha badan
tanxigat waa markii iigu horaysay aan soo hor fariisto gabadh iga doonaysa
mustaqbal inkastoo aan xiiseen hadan waxan qaadi waayey gabadh walaashaya samsam hadalkeeda oo ad agtayda qiima uuga leh
abooyo madoonayo inaan xiriir lasameeyo gabadh soomaaliyeed oo
dhanba laakin adiga hadaad rabto niyadaan kuu dhisayaa inaad iga naayso
teeda kale maba aaminsani wax jaayl ladhoho marka kawaran hadaad
inaad rabto niyada kuu dhiso walaale ?
runtii waan kanaxay hadalkaa aad ayuu niyadayda usaameeyey anoo is
adkeenaya ayaan ku idhi may aniga madoonayo xiriir aadan raali ka ahayn
marka maadaama aad iqadarisay waad mahad santahay walaale
hadan waan iska sii baxayaa
markaan kasoo baxay ayaan iska dareemay miyir la.aan iyo
anoo aad moodo inaan sii dhaayo halkaas ayaan ku khasaaray kuna waayey jaaylkaygii waxan filayaa inuu nabsi iga daba keeni doono
hadaba akhristow gabadhaan sheekada aan kasoo qoray hadan idin xasuusiyo waa nimo markaan wareesi layeeshay nimo waxaan waydiiyey
su;aalo ay kamid yihiin
1; samsamey abaayo yarkaa aad jelayd waxaa laga yaabaa inuu nabsi
kuusoo eliyo maraa seebaad kayeeli lahayd maadaada ay markaagii joogto?
/; horta faadumow sina kayeeli maayo waayo waxaa laga yaaba inaan xaaskiisa noqdo sida uu yidhi awaale yare heestiisii
asmow kaa aarsan maayo aayaha danbiyo
rajaan eegayaa eed waxaa fashana ubadkaan dhalnaan
ku ilawaayaa
2; samsamey asaguba wuu ku xumeeyaye adiga markaada maad ka
aarsato?
/; maya madoonayo inuu daqiiqad dhib yara soo gaaro hadan alaf ku yeelana khayr iyo aafimaad ayaan urajeenayaa iyo xaas wanaagsan
waayahay akhristayaal halkaasaan kusoo gabagabeenaynaa amaba
ay noogu dhamaatay qisadii jaaylka ahayd
tan iyo intaan mid kale ku kulmi doono waa faadumo xasan ali
oo idinka tagaysa nabadiino saaxiibayaal dhamaantiin

Faadumo xasan ali(yabaniyo)
putland/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.om
kaqayb gal qisadeena danbe ee layaabka leh

Leave a Comment

Qiso Jacayl ah (by Yabaniyo)

 

waan isi saaray teelka waxan soo abaaray dhinacaa iyo magaalada
waxan lasii hadlayey niyadayda sida ay noqondoonto xaaladu
hadana waxan isku dajiyey inaan isku kalsoonaado waxan kusoo
beegmay yarkaan jeclaa oo fadhiya meherad ay isugu yimaadaan
dhalinta xaafada waxan mari waayey wadadii waayo waxanba waa
hore is siiyey yarka

dhinaca kale wiilka wuxuu aad iigu fiirinayey siduu igaranayo oo kale
waxan kabaqay inaan kufo xishood dartiis waxan soo gaaray saaxiibtay samsam xaafadoodii waxaana isdhaafsanay hadaladan

samsamey waan naxsanahay saaxiib waxan soo arkay yarkaan jeclaa waxan moodayba inuu igaranayo macaaney aad baan ujeclahay yarka teeda kale waxan kabaqayaa inuu igu dhaho iima
cubtanto yartaan saaxiibay kawaran
saaxiib nimcoy waxba haka cabsan inkastoo yuu yahay yar inta badan isla wayn oo aan xiiseen hablaha soomaaliyeed
saaxiibay wuxuu kahelaa hablaha hindidaa iyo carabta runtii wuu
kafaanaa hablaha soomaaliyeed marka waxad adeegsataa gabarnimadaada iyo jacaylka aad uqabto iyo aftahaniyo iska baar
hada waan uwacayaaye iyara sug saaxiib
runtii waxan farta ku hayey wadnaha waxan sii diyaar sanayey hadaladaan kula hadli lahaa waayo waxan ahayd markii iigu horeysay oon jeclaado wiil ama dareemo jacayl waxa soo garaacay
albaabka samsam iyo maxamed waxay fadhiisisay samsam yarkan
jeclaa maxa,ed waan fiirinwaayey wajigiisa mar qura ayuu igu yidhi

Faadumo xasan cali(yabaniyo)
puntland/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
lasoco Qaybta 4aad

Comments (2)

Bosaso: Qiso jacayl oo xiiso leh (Yabaniyo)

inkastoo naruuriyo nabad iyo barwaaqiyo nooluhu ku taamaan qaarbaa ku noolaan niyadoodu diidaa nabad iyo rayskana ku nagaan
karaynoo naawilaaya meel kale

hadaba jacaylku maaha wax lataabto ama la arko amaba wax jira
laakin jacaylka waa ladareemaa waxaana laga dareemaa xubnaha
jirkaaga waxad isku arkaysaa waxayaalo badan sida caajis ama
ruuxii aad jeclayd maahee mid kalaba kuuma muuqanayo
hadaba hadan intaa ku dhaafno arimaha jacaylka oo aan halkaan lagu soo koobi karin waxan halkan idiinku haynaa qiso jacayl oo
runtii aad u qiima badan hadab mar kale kusoo dhawaada

waxan ahaa gabadh soomaaliyeed isla markaana aad ujecel inay
wax barashada meel sare kagaadho waxan isku dayi jiray inaan
waligay lasheekeesan dhalinta xaafada iyo tan gobolkaba
hadaba maalin maalha kamida ayaan waxan jeclaystay inaan
u aaaaado waxbarashada gobolka bari gaar ahaan boosaaso
waxan ku dagay abtigay oo runtii aad ii jecel waxan kabilaabay
iskuulka nawaawi ee loo yaqan markazka
waxan kabilaabay fasalkayga 8aad
maalin maalmaha kamida ayaan waxan galaynay imtixaanka shahriga
waxan usoo baxay banaanka saan udaraaseeyo maadada carabiga
waxan halmara dareemay kuleel isoo galay kor ayaan fiiriyey
waxanba arkay wiil aan quruxdiisa lasoo kobi karin runtii dareen ayaa
igalay waxana isku dayey inaan lakulmo inanka hadan waan yara
xishooday
gabadh aan daris ahayn ayaan ku arkay iyadoo lahadlaysa
waxan uyeeray gabadhii
abaayo samsameey mafiican tahay maantase quruxlow ayaad
lasocotaaye
abaayo naciimo waan ladanahay wiilkana waxan nahay ilma adeer
ee manihin saaxiibo kawaran hadan ku baro walaalkay
aad ayaan uugu faraxsanahay inaad ibarto

Faadumo xasan cali(yabaniyo)
puntand/boosaaso
yabaniyo2008@hotmail.com
lasoco Qaybta 2aad

Comments (1)

Sawiro!!

Daawasho Wacan!!!

Daawasho Wacan!!

Comments (6)

Bilicda Dhulkeena

Daawo Dacalada dhulkeena bilicda lagu manaystay, ku raaxayso

Leave a Comment

Daawo Riwaayadii Qabyo 2

Daawo kuna raaxayso riwaayadii qabyo 2

Comments (2)

Khadra Daahir Cige (Hooyada Jacaylka)

In badan baa loo bukee u bog Khadra Daahir Cige (Khadra Dhool), daawo heeseheedi

Comments (2)

Daallo Daawo Dacalada

Daawo bilicda iyo dacalada Daallo

Leave a Comment

Waayaha Cusub ka daawo halkan

Halkan ka daawo Waayaha Cusub!!!!!

Leave a Comment

Hablaha reer Sanaag iyo dhaqanka

Ka daawo gabadh reer Sanaaga oo ka waramaysa qiima dhaqanku leeyahay

Leave a Comment

Daawo Gelbiska Hablaha Soomaaliyeed

Halkan ka daawo Gelbiska hablaha iyo Ubax Fahmi

Comments (2)

Heeso Somali ah

Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa

From Heeso qoraala, 2008/06/13 at 6:14 PM

 
 

Dad hadaad is qabataan
Ilay waad la doodaa
Dugaagoo ku weerara
Yurbaa lagula dabaalaa
Duufaanka xooga le
Waa laga ducaystaa
Shaykastoo nafta u daran
Waxbaa lagula daalaa
Belo waxa u digo kulul
Damci xume jacalylkaa
Daan daansi badanaa
Waa dira diraalee
Ninku maalintaa dago
Ama uu la helo dabar
Ayaa diifka abadkii
Dusha aad ka garataa
Darani inuu helay
Uu dakharo kaga tagay
Ana doorsan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu maydulgalsaa
Naftu naftu naftu
Naftu maysku duubtaa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa
Dabku huro jaleecada
Uuka beermo daymada
Dunqulaalka shaydaan
Dhedo iyo xanuun iyo
Dabkay huriso barashadu
Inuu cudur da wayn yahay
Nin kuu helo dawoobayn
Inuu yahay dabiibtii
Intuu hore u dabar jaray
Ninkii qays ahaa kow
Ku daroo cilmina laba
Afartuu deldeliyoo
Ma ceeblaa dub loo arag
Inta layla kaga daray
Intuu daarka aakhiro
Ku daboolay caashaqu
Hodan haw danbaysee
Ma cid bay ka dedan tahay
Ana doorsan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu maydulgalsaa
Naftu naftu naftu
Naftu maysku duubtaa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa

 

 
 

 

CEEL BUUR KU YAALAY by codkii Salaad Mohammed Derbi
Culays uma dhaqaaqdoo mana cararto,
Cagta socodka kuma dhererto ciidee,
Wey cidhib-sataa
Ceeb ma leh yartaniyoo
Caynkeeda oo kale
la cadaabi maayee
Waa curad ninkii dhalay,
Laga siiyo cuuddoo
Waa curad ninkii dhalay,
Mahad looga celiyaa
*** *** ***
Cuddudaha gamcaha
Cidayaha faraha,
Casarkii cadceeddoo
Godka cidhifka gelisoo
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaanaa
Ku cadaysay baalaha
*** *** ***
Ama laanta canabkoo,
hoobaan la ciirtiyo
Cambaruud bislaadiyo,
cagaarkoo iftiimiyo
Caleen ubaxa bixisoon,
cidi daaqin weeye
Ilaa cidhibta hoosiyo
tinta caaradeeda,
Cad xun ku arki maysidee,
waxa ay la cayn tahay
*** *** ***
Cidla lama amaanee
Sida geed caleenoo,
cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
Laamaha caleentii
ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay
*** *** ***
Ma cel-celiso haddalkoo,
runta kama cabsootee
Carab-dalable callool weecsan
Kugu lama caweyso
Cayn kastaba u eegoo,
cadho ku arki maysidee
Cid waxay ku dhaaftaa,
kolay camal samaantee,
Waa curad ninkii dhalay,
laga siiyo cuuddoo,
Waa curad ninkii dhalay,
mahad looga celiyaa
*** *** ***
Cuddudaha gacmaha
Cidiyaha faraha,
Casarkii cadceedoo,
Godka cidhifka gelisoo,
Ka sokeeya caaddoo
Falaadh wada casaana
Ku cadaysay baalaha
*** *** ***
Waxa ay la cayn tahay,
Cidna lama amaanee
Sida geed caleenoo
Cosob uu ka baxayoo
Intuu roob ku curanyay
laamaha caleentii
Ay midiba cayn tahay
Lagu wada ciyaaroo,
loo ciid tagoo
Caano iyo nabadloo
Ceel buur ku yaalay,
caynkiisa leedahay.

Comments (1)

Adduunyada nin dhoofow

Adduunyada nin dhoofiyo
Ninkii degan dhulkii hooyo
Nin dhergiyo nin dhowr qaday
Aan dheef hayn
Dhedig iyo laboodba
Hawli kama dhamaatee
Qof walibaa wixii dhibay
Dhafoorkay ku taalaa
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Anba kuguma dhaafeen
Haday taadu dheelido eh
Maxaa dhacay dhankaagay
Ka jiiftaa dhaliishuye
Ma dhiirado nimaan garab
Wax lagula dhisaynine
Nafta dhool hilaaciyo
Dhibic baa u muuqdee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa
Jacaylkeediii dhuuxiyo
Lafaha wuu u dhaadhacaye
Dhulkoo doog dhir iyo ubax
Dhamaan hadheeyeen
Dhawristeeda oo qudha
Ayaan dhawr ku qadayaa
Wali dhaban mid kula mida
Kama dhalanin adduunkee
Ana dhaawacaygii
Jacayl dhidibka aastaan
La dheeldheeliyaa

Leave a Comment

Qamar [Beerdilaacshe iyo Magool]

Beerdilaacshe

Qormo roob helayoo
loo qaaniyeeyey
ay xareedu qarisaad
qamareey quruxdeeda leedee
qaadirkii ilaahey
qaayihiiyo sharaftii
qanjiidho koley tahey
kaama uu qadinine
markaan qamar ku eegaba
qamuunyaa ilagadee
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa

Magool

Qoraxdoo aroortii
qar la soo baxdoo
aan caadku qarinbaad
qumanow qabadeedii ledee
nabi yuusuf quruxdii
qaadirkeenu siiyaa
adna qeyb ka wadataayoo
qeyrkaa ku dhaaftee
hadaan qado anfaaciga
adaan kugu qaboobaa
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye

Beerdilaacshe

Labadaada qaariyo
dhexdu qabasho leedaa
geenya qeyl lahoo
loo qaadey heesaa
qotonkeeda leedee
dayax qanimadiisii
aan caadku qariniyo
cirku sagalku qeydiyo
qureyshtii haweenkaay
qadow geed ku yaaliyo
qawlihii magooleey
qoortaada dheeree
lagu qorey cabaadhyaha
markaad xageyga
usoo qaloocisaa bey
ma liqdaa i qabataa

Magool

Waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadiriyaa
qabri hoose mooyee
qumanow qarnigaba ma noolee
qadaf ku hadli mayee
amaanta aan kuu qirey
waa mid aad u qalantood
qaayo aad ka gaadhee
wax ilaahey kuu qorey
lagaa qaadi maayee
markaad qunyar dhaqaaqdee
talaabada aad qadee
deymada il qabadka leh
qooraansigeedey
qososhaa nafteyduye

Comments (1)

Hibooy Heedhe

Magool

Huqdaad i goysaa
la cidla laga hayaamee
hayinaan ku guuraan
heeryo saaro waayee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

meehanaabayee
oo haraadayee
waxaba haysanaade

hoodiyo ayaaniyo
hibuu rag isku dhaafee
habeen dhalad ninkii ahna
talo kama habawdee
hibooy hadimada adaa leh

hibooy kolka waan hinqadayo
hibooy hareeraha i qaadaye
waxaan haabta waayee

Magool

Hinqaryada i haysiyo
duryan baa hadal batee
waxaad haabanaysiyo
hanti kuguma lurayee
hadhka labada galiniyo
hooskaa wareegee
hiboow heedhee
ma marki aan heshiinaad
ayaad horumarkii iyo
wanagii hilmaamtay

Salaad Darbi

Hibooy kama hadal la aynee
hibooy hawlaha aduunkiyo
dhibaatay hor taagane

Comments (2)

Onkod.. [Cabdi Tahliil]

Onkod roobku madaayo
aarna taaha madaayo
anna taa ma ilaawoo
jacayl ood rogan maayo
oon hilaac bi in maayo
ayro weerar madaayo
ninlihi aamusi maaayo
ergo geesi madiidoo
ilaah tiisu ma oosho
calaf la iska ma ooto
ubax dayr ma qarsoomo
godka lay iskuma aayo
ifka la isu tudhaayee
iilka la isma gar gargaroo
aboor la iskama baajee
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.

Asaagay usha toosan
iyo ooda hagaagsan
hayiinkii asabaadee
madigii afar deeqa
inantiina ilwaadsan
ee asluubi u dheer tahay
sidaan u asteysto
kuu eegana yaaye
hadaan aamin idhaahdo
waa aqoonta haweene
oo rag iiga danbeeyo
halka ay ka cawayso
uur ku taalada maada
arimidiisa jacaylka
anigu soo dhaxli maayo
nabsi hay iga amaahan
axdigii ina dhex yiiliyo
ha iloobin aqoontee.

Sida oogta hilaaca
ileyskeeda cadceeda
amaantaada libaaxa
malaa waanad ogeyne
ayaan uurkiyo maanka
wadnahayga agtiisa
sida aayad ku taalaa
uumiyaha u tusaayee
haadii aanu ibleysku
iga kaa anbineynin
inaad ii tudhi weydo
eegi maayo koley
arin kuuma hambeynee
araartii haku deeqdo
sina hayga adkeysan
nabsi hayga amaahan
axdigii ina dhexyiiliyo
ha iloobin aqoontee

Leave a Comment

Hubqaad

Hubqaad iyo qurux
yartii hanataay
haybad iyo sharaf
yartii looga hadhay
hubaal naftaydaay
tay u hilawdaay

Haykal iyo muuq
kaan u heelanow
haybad iyo maan
kii horseedow
naftan hugushaan
kay ku hiratow

Hablaha idilkood
tii aan ka helaay
haweenba dhamaan
tii aan la hayaay
hargeysa iyo hawd
taan ka haybshaan

Baxdawyadii herer
kaan ka helayoo
hanadoo idil
kii aan la hayow
tani iyo wadnuhu
kuu habayow

Hasaasaha guur
taan habsoobaay
hawaawir jacayl
taan hadraayaay
habeenada dheer
taan hilaabshaay

Hirka nololeed
kaan higsanayow
huqda caashaqa
kii igu huriyow
sida hoqol roob
kii u hirayow

Leave a Comment

Dhabta miyaan….

Dhiigiyo kalgacalkii
ee xidida dhamaystira
afka lagama dhawree
ma ogtahay dharaarahan
markan dhaban u seexdaba
inaan kugu dhadhabayoo
dhabteyda kaa dayoo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar

Walaw dheylo aad tahay
ee hadana dhaqankiyo
dhaqashada ku wacan tahay
dharaar aragti ma ogtahay
caashaqan wax dheereen
dhedo roob la moodo
dhalanteed inuu yahay
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Labadooda

Imika dhudhumiyooo
miyaan soo dhawaadaa
awalba igama dheereyn
dhabta miyaan ku saaraa
dhibtan kula nacayaa
bal hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhenged waan ka fududee

Kinsi X Adan

Dhugmadiisu ruuxey
ee u dhantahay
ayuun buu dhibayaa
xishoodkuye
ma ogtahay dhigeyow
dhamanaanka awgaa
dariiqyada suuqyada
dhar la’aan inaan maroo
hadii aad dhab doon tahay
amba kuguma dhaafeen
hawlaha dhankeygee
dhinacaaga ila qabo

Siciid M Xaydar

Qoton dheer qoyaaniyo
ee dhex qotoma xareediyo
dhabi baxay la moodyeey
ma ogtahay dhaqsiinyuhu
hadii lacag dhalayaan
kaadsiiyuhu ma dhiciyee
dahab baan ka dhuran laa
jacayl kii dhawaan gala
dhaxal lagama gaadhee
horta dhab kaa yahay
waa inaan dhudhumiyaa

Labadooda

Imika dhudhumiyooo
miyaan soo dhawaadaa
awalba igama dheereyn
dhabta miyaan ku saaraa
dhibtan kula nacayaa
bal hadaba dhalaan sidii
dhabarkaaga igu qaad
dhenged waan ka fududee

 

Leave a Comment

Gacalo [Hees]

Caashaqa ha guul guulin
Ha udiidin gogoshiisa
Gacalooy wanaageena
Ha ku dumin garaadkaaga

Garashada ha waydeeynin
Ha u guuxin nacabkaaga
Gurbood ka iyo dhalaankeena
Ha baneeynin garabkooda

Gudintaad afeeyneeyso
Ha ku gooynin midigtaada
Gibilsha iyo awrkeeda
Laba gees ha kala geeynin

Hadalka iyo go?aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo

Gocashada ha baadh baadhin
Ha ufiirsan godobteeda
Guurka iyo sharaftiisa
Ha gar-geeyn jaceeylkeena

Imtixaanka gurigeena
Guddi odayo loo saarey
Hadii la isku wada geeyo
Boqol iyo lagbay gaadhey

Rag ninkaaney gabadhiisu
Gol daloolo ka ilaalin
Qayrkiisa garab jooga
Waligii ma gaadhaayo

Hadalka iyo go?aankii
Talada iyo gudoonkii
Reer dhibtii wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo

Dhirta lama garaacaanka
Gunta xididka ha u saarin
Geed midhaha laga goosto
Geestiisa lama gooyo

Guryo samo adoo yaala
Abaar reer lama geeyo
Adoon sahan ku guureeynin
Geediga ha heenseeynin

Gafka ruux intuu geeysto
Garawshiiyo laga waayay
Halka kibirku gaadhsiiyo
Gumartida ha loo joogo

Hadalkii iyo go?aankii
Taladii iyo gudoonkii
Reer dhibtii iyo wixii gaadha
Rabbi ha ina garansiiyo.

Leave a Comment

Jawaabtii Cali-maax ee uu u diray Cawral Bare [Qiso jacayl taxane ah]

Cawralaay johorad baad ahayd, jamatay laabtaydu,
Waxaad ahayd jannadaan raboo, jawda uu lahaaye,
Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne,

Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay,
Daartii aakhiro la hub iyo, degelki mow fooftay,
Oo ma dardaarankii aad tiraa, dacar I leefsiiyey,

Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare,
Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye,
Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane,

Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way dam qanayaane,
Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya,
Ogoobey aniga dulmiyoo, dilay xabiibta ye,

Ogoobey anigaa deldeloo, dembi I haystaaye,
Ogoobey deyn baan qabaa, la iga deynayne,
Oo waxa deyradaas dhigayba, waa dib u dhacaygiiye,

Cawralaay ninkaan deelk a, iyo daalka kala soocin,
In kastuu dircoon yahay, haddana doqennimow dhoowe,
Ogoobey aqoondarridu,waa dulliyo leeleele,

Waa darxumo iyo hoog ninkey, dacalka saartaa ye,
Waa danqaaro waaweyn, haddaan laga dig toonaanin,
Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo’iisiiye,

War qaaddii daboollayd, markii daaha laga qaaday,
Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayee1ka,
Ogoobey dul iyo layga tuur, déliya dhaadheere,

Daraawiishta heegani, markay ban duleeydaysey,
Hadaan dayr la ii dhigin, ama dab in la ii qoolin,
Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene,

In kastaan dagaal iyo ku jirey, duullan iyo weerar,
In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney,
Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye,

Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne,
Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade,
U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey,

Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey,
Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey,
Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey,

Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey,
Wixii aan atoor dilanayoo, dab in u tuuryeeyey,
Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay,

Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey,
Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey,
Dabaxiir shabeel ahi wuxuu, igu dul meeraayey,
Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye,

Ogoobey haddii dirriku dhaco, dayaxu gaadow ye,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye,
Ogoobey waxaan kaa danbayn, laba diraacoode,

Afartaasi waa iga dub nixid, dharigu hayn waayey,
Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiqay,
Afar kalena waa iga duce, balaan daliileego,

Darriqii siraad oo ahaa, daliig sinsaanteeda,
Oo dabreeya wixii daalinoo, deli ka tuuryeeya,
Durduro laguu man, aadaan dab u cabsoonaynin,

Dacwadii lagaa dhaaf, catiid dareen wax weydiiyo,
Raqiibna ku da’yey oo ku daa, dun markuu waayo,
Dembi ma lihide Eebbahay, derejo kuu yeelyey,

Waanigaa dal dheer uga imi inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii iyo dooddii aan qora ye,
Waataas deddootaye dadyahow ducada aammiin dheh,

Durdurkii firdowsiyo u hoyo, togaag durduuraaya,
Ku dabbaalo web igii jannada, damal haraynaysan,
Ku diihaal bax mira diir la’ood, debinta leefaysid,

Ilaahay duggaal iyo ku sii, malab durduuraaya,
Kaa hiraabi deeqdiisu waa, daraarta xoolaade,
Waxaad doontid oo idil ilaah dacalka ku saarye,

Waanigaa dal dheer uga imi, inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,
Waatas deddootaye dad yahow, ducada aammiin dhehe,

Rasuulkii ilaah deris la noqo, deneg allow yeelye.
Diyaafadaha kuu dhige malaa’ig, daacad ah oo joogta,
Waxaad dunida weydey oo idil, daleel lagaa siiye,

Waanigaa dal dheen uga imi, inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,
Waataas deddotaye dad yahow, ducada aammiin dheh,

Dar alluu ka yimid mow tika helay, dahabadaydiiye,
Arla durugsan baan jirey markay, derin ku qaadeene,
Haddaanse ku daakinay halkay, keli ku duugnayde,

Qabriyahow daboolani adaan, cidi ku deynayne,
Adigay dummaddaada tahay, dayax la mooddiiye,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,

Ogoobey waa sidaad u sheegtaye, anna aan u sheegaye,
waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deynayne,
Oo ogoobey waxaan kaa dambayn laba diraacoode.

Comments (1)

Cawrala bare iyo Calimaax [Qiso Jacayl]

Gacaliye Calimaax,

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,
Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,
Dabadeed aan kala Jiidanne’e, mar ila soo joogso.

Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaan kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaan uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiha jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro tanoo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.

Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaaddana, waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaani garaflwaay oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.

Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.

Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud ku taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay mid habeenkii kowaad oo ay doonnidu gutiraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray, khaas ahaanna dheg ulahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay gursadaan iyo murwooyinkey qabaan.

War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,
Waxaan ahay codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye

Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiiggaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ ay doonnidiina degtay, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacaan qabatay iyadoo baaxaa degaysa dhawr jeerna hafatay.

Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaa ye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,

Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yarayn, aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxi badeed ma sigeen dhowr jeer.

Waxaan ahay cirkoo horay, iyo caadka oo kale’e,
Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira,
Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihi doognaaye,
Waxaan ahay car foon iyo udgoon, iyo cadarki Baariye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.

Waxaan ahay haddi runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedi ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojee kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.

Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,
Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihi dayrsheene,
Waxaan ahay mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaa ye,

Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, mangaloot uduggiisa lahaa yow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waago beryaaya wajiigiisa lahaayow, mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo mnidadbka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow, sed bursiimo lahaayow, inaadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoray yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuude adiguna aad muutsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.

Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,
Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,
Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duu go,
Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaaye.

Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.

Ogoobey haddaan dayaxu jiriti, dirir ma nuureene,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,
Ogoobey haadday diiddo, waan degel baxaayaaye,
Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,
War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,
Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyne.

Waa Gacaladaa Cawrala Barre, ee deggaan

Magaalada Xiis Xarrago

 


Comments (11)

Older Posts »